Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

5 sababood oo X. wadani 51% uu u helay codadkii G.Awdal iyo duruufaha ku gadaanaa habka cod bixinta beelaha. Dr.khadar-Libaaxley.

1. Sababaha kala sareynta codka xisbiyadu heleen waxa ka mid ah sida loo kala yaalo gobolka, urursanaanta iyo filiqsanaanta bulshada iyo hab nololeedkooda guud, ee kala ah xoolo raacatada iyo beeralayda magaalo jooga ah, kala gedisnaanta duruufaha beelahan gobolka ayaa sameyn weyn ku leh mar walba habka ay u kala sareyn karaan codka doorashooyinka oo ay ka mid yihiin xogtani:

Beelaha degsiimo Hab noleedka
Diwaangalintii iyo Kaadh qaadashadii
Sababta iyo Caqabadaha jiray xilligii kaadh qaadashada. 

Maxamed case Ku baahsan Guban iyo oogo 40% xoolo raacato reer guuraa ah
90% isdiwangaliyey 70% qaatay kaadhka 20% maqaadan kaadhka cod bixinta sababta isku beeganka xilliigii ugu xumayd ee abaartii dhacday iyo dhamaan raacatadii oo ka guurtay goobihii.

Makaahiil Ku teedsan labada dacal ee xadka s/land iyo ethoipia 93% beeralay degan 90% isdiwangaliyey 85% qaatay kaadhka 5% ayey saameysay abaartu oo aan qaadanin kaadhka cod bixinta , waayo waa bulsho degan oo beeralay ah.

Habar cafaan Ku teedsan labada dacal ee xadka s/land iyo ethoipia 93% beeralay degan 90% isdiwangaliyey 85% qaatay kaadhka. 3% ayey saameysay abaartu oo aan qaadanin kaadhka cod bixinta , waayo waa bulsho degan oo beeralay ah.
 

ciise Ku teedsan guban 60% xoolo raacato reer guuraa ah 80% isdiwaangaliyey 60% qaatay kaadhka.
30% ayey saameysay abaartu oo aan qaadanin kaadhka cod bixinta

2. Xoolo raacatada oo aan ka qayb galin maalinta cod bixinta : hadiiba qoys walba 5 qof kaadhasha qaateen, maalinta cod bixinta 2 ama 3 kaliya ayaa haleeli karta in ay soo bixiyaan codkooda; sababtuna tahay: goobta cod bixinta ee tuulada ah iyo miiga reeruhu yaalaan oo kala fog ; xubno qoyska ka mid ah oo sidii caadada u ahaan jirta raacaya xoolaha oo aan helayn cid ka sii reebta, kuwo safar ama dhaan ku maqan oo aan haleelayn, xanuun haduu jirana hadalkeedaba daa ( tan waxa u badnaa beelaha maxamed case iyo ciise

3.Beelaha Maxamed case 97% kulmiye ayey codka siiyeen iyo beelaha

Makaahiil 97% xisbiga wadani ayey codka siiyeen ; 2bada beelood ba 2ba musharax madaxweyne xigeen oo tartan ka dhexeeyo ayey kala wateen, mana ay jirin sababo musharax musharaxkale taageerayashiisa u ka xaystaa inkasta oo xaflado badan oo biyaha hoostooda la isku marayaa jireen; si la isku luggooyo.

4. Beelaha habar cafaan waxa ay u kala noqdeen 3 kooxood oo isleeg : koox xisbiga kulmiye u codeysay, koox xisbiga wadani u codeysay iyo koox aan cidnaba codka siinin oo la seexatay; sababtuna tahay iyaga oo isku qanciyey in aaney musharax la hayn sabab ay ( 2dan beelood ee makadoor ) u kala raacaan u muuqan weyday;

waxa intaa raacsan inta ugu badan habar cafaan in ay codkooda siiyeen xisbiga wadani sababtuna tahay beesha oo filaneysay in ( la siiyo kursiga gudoomiye xigeenka baarlamaan maadaama oo aaney la hayn iyagu musharax ay taageeraan; balse kursigaasi ugu dambeyntii la saaray mudane axmed yaasiin sheekh cali oo gadaal ka noqonaya nin makadoor ah; taasi darteed filashadii beeshu markaliya isku badashay mucaaradad ay ku wajahaan kulmiye ( tani waa sababta xubo xisbiga kulmiye ka tirsan ay u tabayaan iskuna weydiinayaan halka uu maray codkii beelsha habar cafaan!! in ay beeshu qaybsaneydna waxa daliil u ah deegaan kasta oo ay beeshu ka codeysay wax sidaa u sii ridan isma dheerayn xisbiyada kulmiye iyo wadani , marka la eego goobaha jufo galiilaydii c/laahi dheere, degmo laqastii axamed muumin seed, weeraar, xeego iyo Borama oo aan isleeyahay wey ka duwaneyd goobahaasi oo kulmiyey khaas u a hayd; hadaaney la mid aheyn goobahaa hore).

Aragtidan iyo dareenkan oo kale waxa qabtay beesha ciise oo sidan oo kale ugu qaybsaneyd xisbiyada kulmiye iyo wadani.

5. waxa jirtay sabab weyn oo dhamaan reer awdal intooda badan si hayb la’aan ah ugu codeeyeen xisbiga wadani !! taasi waa sabab uu kulmiye abuuray xisbiga wadanina ka faa’ideystay; xilligii olloluhu socday kulmiye waxa uu xisbiga wadani xoog ugu eedayn jiray in uu ( soomaali weyn iyo xamar xidhiidh la lee yahay xisbigaasina rabo in uu xamar inagu daro ) dacaayadaasi iyo buun buunintaasi waxa aad ugu laab qabowsaday oo rumaystay ( reer awdal, reer sool iyo reer sanaag) oo dhamaantood in dhaweyd ka soo bogsanaayey cudurka somaali weyn jaceylka, hayeeshee kulmiye xoqay oo ka dhiijiyey, dabadeedna uu buq-buqay nabankii barar iyo caabuq ku keenay bulshada 3daa gobol degta sidaas darteedna ay ugu codeeyeen xisbiga wadani isla mar ahaan taana uu wadani ku gacan sareeyey codka 3daa gobol; gaar ahaan gobolka awdal uu codka ugu yar uu ku sareeyey; waxa si fudud iyo dheeraad codka awdal isku fuuqsan la haa (10,000; tobban ka kun ee cod oo ka habsaamay saylac iyo lughaya codkan intiisa badan waxa leh maxamed case iyo ciise) iyadoo waliba degmada borama ay ka habsaameen 12000 oo cod oo aan codeynin; codkaasi borama waxa leh 3da dhadhaar; oo aan waliba u badinayo habar cafaan intii aan ka qayb qaadanin cod bixinta sababaha qoddobka 4aad ku xusan dartood.

Gunaanad

Mar hadii licibkii ama ciyaartii doorashadu dhamaatay, ha qalalaan nabaradu oo ha maaxdo laas xareeda, laydh qabow, walaalnimo ,isqadarintii iyo wax isku hambeyntii; murtidu waxa ay tahay illaalinta midnimada bulshada, istaageersigooda iyo wax istarkooda si hayb la’aan ah; qof kastaaba dhankiisa ha furo albaabada xilkasnimada, raxmada iyo dareen farax leh abuurka; dadku waa mid dadkuna waa hugii saarnaa oo mid ah !!.
Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *