Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Muga iyo Miisaanka Hogaan Dhaqanka Gobolada Galbeedka Soomaaliland oo Quusgooyey Xisbiga Socod Baradka Wadani

Boorama (Xeegonews) Ka Dib markii shaley isku soo bax balaadhaan soo bandhigeen taageerayaasha xisbiga talada haya Kulmiye ee gobolka Awdal ,waxey isku soo bax aan loo kala hadhin ku qabteen kheriyada magaalada Boorama halkaasoo kala soo qaybgaleen gidga hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye . Madax Dhaqameedka gobolada Awdal ,Salal iyo Gabiley oo dadweynaha Magaalada Boorama la Hadley ayaa waxey bulshada ugu baaqeen in codka iyo cududa lagu biiriyo xisbig talada Haya ee kulmiye Madax dhaqameedka Madashaasi ka Hadley waxa ugu Hadley suldaan Abdirahmaan Jaamac Dhawal oo waxana uu sheegey

“Baryahan waxan maqlaa Isbadal, Baryahan waxan maqlaa Isbadal , Baryahan waxan maqlaa Isbadal ,waar isbadalku halkuu Joogaa wadani ayaa jooga wadani waxaa joogaa naqartii Kulmiye ka qaxdey baa Joogta waa maxey isbadalku isbadalkan ay sheegayaan xaguu joogaa waa maxay isbadalku hebel hebel odhan maayo ,30ka 20ka,hormuudka ah wadani shaley kulmiyey ahaanyeenee maxey badali shaley wasiiro ahaayeenee maxaey u badali waayeen shaley hogaamiyeyaal ahaayeenee maxey u badali waayeen waar dadka maxaa been loogu maaweelin waar run dhaadhac run,hadaan nahey dhaqanka hadaaney hogaanka waxaan idinku yeedheynaa kulmiye ,waxey idin yaalaan Kulmiye hadaad codkiina iska khasaarisaan idinkey itaala maanta “ Sidaasina waxa Sheegey Suldaan Abdirahmaan Jaamac Dhawal .

Suldaan Cabdi Daahir Gaboobe oo isaguna halkaasi ka hadleyna waxa uu sheegey “Hadalkeygii igu dambeeyey wuxuu ahaa figtii baan u baxney,wataa figtii aan u baxney ,waxa la yidhi wadaadku haduu qardhaas dhigo in lagu bogsaduu jecelyahey ,odeyna haduu arrin galo in laga aqbaluu jecelyahey waadnaga aqbasheen waadna Ajiibteen ,talaadii baad qaadateen halkii aan ceelka idinka qodney baad timaadeen in aad Kulmiye u Codeysaan Saw Balan Inaga Aha Mashaa Allah baan Leeyahey “ Sidaasi waxa barxaad Kheyriyad Boorama Ka Sheegey Suldaan Abdi Daahir Gaboobe oo ka mida Salaadiinta Dhaqanka Awdal .

Dhanka Kale waxa isaguna Madashaasi ka Hadley Suldaan Ibrahim Jaamac Samate waxana uu ka jeediyey hadalo u badan ,mahadnaq iyo u badan ka jawaabid hadalo ka soo yeedhey hogaan dhaqanka Xisbiga Wadani waxan uu sheegey

“waxaad maqleyseen maalintii dhaweyto ee daraad uu halkan ka hadleyey,Suldaan Salaadinta Ka mida ayaa waxa uu yidhi xisbiga kulmiye haduu guusha Helo Soomaaliland waan ka guureynaa ,ma waxaasaa waxa lagu hadlaa maya ,ma waxaasaa wax lagu hadlaa maya’ weynu tartameynaa cidii hesha waan ku hambalyeyneynaa ,waxaan leeyahey raga xisbiga wadani waa ragii inqilaabka dalka ridey ilaaheybaana naga bad baadiyey ,waxaan leeyahey saw xisbiga Kulmiye Ma nihin” Sidaasi Waxa Sheegey Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo Taageerasha Xisbiga Kulmiye oo Kala Hadley barxada kheyriyada Magaalada Boorama oo shaley isku soo baxa balaadhan ka Dhigey Barxada Kheriyada Magalaada Boorama .

Si Kastaba ahaaatee waxa bulshada gobolada galbeedka Soomaaliland indhaha ku hayaa xisbiga talada haya ee Kulmiye kaaso waxyaabadan ka qabtey deegaanada galbeedka Soomaaliland balse xisbiga Kulmiye ayaa goboladan mid horumarkii gobolada galbeedka ka sii wada doona .

Wariye Ayaanle Siciid Cabdi Xeegonews.com

Boorama /Awdal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *