Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Awdaleey kulmiye ugu codee sababta dariiqa Borama illaa Djabuuti !! lama wadaago X.wadani arinkan!! Dr.khadar-Libaaxley.

Anna waxan dudumada diri uga fadhiistoon
Dhulka daaqad uga furay, waxaan daaca
Dhabanada u duldhigayoon ,Bada daasad ugu dhuray
Isku duubni wadareed waxaan ugu duceeyoon
Rabi uga duraansaday, waxaan awrka uga diiray
Xadheen didibso ugu idhi, Dal-daloolka gurigayga
Iyo dadab la’aantiisa , Dirirka soo hoorey iyo
Dooxa aan aallo, markaan daacado dan eego
Inuu igu darooriyo daad baan ka baqayaa.

Maansadii rabi naxariistii jano haka waraabiyee abwaankii weynaa ee cabqariga ah ibraahim gadhle.

Xaqiiqatan markaad akhrido buugaagta barnaamuj siyaasadeedka xisbiyada, ucid, kulmiye iyo wadani ee dhan walba karogto adiga oo si siman ugu kuur-galay biya dhiga dhamaantood, adiga oo si damiir leh u xisaabtamaya oo xisbi walba barnaamujkiisa ku leh ( waa maxay danta muuqata ee dadkayga iyo gobolkaygu ugu jirta ee xisbi hebel wadaayi??? ).

Si fudud halbeeg xisaabeedkaasi waxa uu ku tusinayaayi dhanka ay kaa xigto rajadaada iyo ta ubadkaaga oo tiigsadkeeduna yahay ( Bari maanta ka fiican ); adiga oo ka madhan halbeeg xisaabeedka odhanaya ( ninba wuxu beeshin u yahay hebelka beeshooda, barnaamuj iyo barnaamuj la’aan ).
Kulmiye waxaan horey uga baranay hirgalinta qorshayaasha badi dalka oo dhan, waayo aragnimadaa darteed way u fududahay hirgalinta ( Dariiqa isku xidhaya Borama illaa Djabuuti oo xusun qormada ku daabacan buug siyaasadeedka uu rabo kulmiye in uu ka iibiyo reer awdal !! waxa intaa dheer in buuga xisbiga awdal ugu taal 15km oo tacab beereed ah si looga koro ugu yaraan khudrada aynu ( ethoipia iyo yemen ) ka soo gadano iyada oo baahi inagu kalifta aaney jirin daba fadhiisiga beerahaasi shisheeye.

Gunaanad:

Dhismaha jidka isku xidhi doona borama iyo jabuuti iyo tacab galinta 15km waxsoosaar beero lagu baahi baxo waa balan qaad qoran oo hadii aynu xisbiga kulmiye codkeena siino bari kula xisaabtamayno.

Xisbiga wadani haba yaraato haba weynaatee, dhan walba hadaad buuga xisbigaasi u daristo dan iyo waxqabad uu reer awdal ugu qoran oo ay kula xisaabtanaan bari codkood haba yaraatee ma jirto, illa akhriyo sidaa daraadeed ( ma dhibaad raaxo moodaysaan reer awdalow sabab aad meel abaar ah oo hadawgii jiilaalku yaal aad xoolahaaga iyo reer kaaga ugu furtaa mataalo adigoo haro-buuxda , arligii oo hoobaan iyo hadhicii oo isgaadhay haysta).

Inta cirka iyo dhulku isku jiraan ayey xibiyada kulmiye iyo wadani isku jiraan marka la tixraaco balan qaadyada qoran ee buugaagtooda ku xardhan, reer awdalow waxaan idin leeyahay ( meel madhan iyo meel buuxda kala doorta, u meel daya mustaqbalkiina waxa anfaca u leh adiga iyo ubadkaaga aayahooda oo ay faa’iidada dariiqaasi xataa fac ka fac uu raysamaal u noqonayso, muhiim maaha hebel oo aan reernimo ku taageero oo aan waxba soo kordhinayn; xataa haduu soo kordhin la haa uguma jirto barnaamuj siyaasadeedka xisbiga wadani ( mustaqbal fiican iyo mustaqbal la’aan kala doorta reer awdalow- you choose……).

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *