Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Beesha Makahiil Gadabuursi ee Ku Caan Baxdey Sheegashada Codka Gobolka Awdal Markale Qaadey Talaabooyinkii uu ka Digayey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliland Sheegateyna Codkii Xisbiga Wadani Gobolka Awdal oo Dhan .

Boorama (xeegonews.com) Tan Iyo markii lagu dhawaqay natiijada doorashada Madaxtooyada oo xisbiyada wadani iyo kulmiye aad ugu hirdamayeen gobolada dalka

Hadaba gobolka Awdal waxaa uu ahaa gobolada ay sidaa aadka ugu loolamayeen xisbiyada wadani iyo kulmiye kuwaasi oo kala jiidanayay

Codadka bulshada gobolka Awdal taasi oo dadka ood wadagta ah ay ku kala irdhoobeen olalihii doorashada madaxtooyada Somaliland,  waxa se jirtay in asxaabta siyaasadu ay shir beeleedyo kala duwan la galeen dhaman beelaha kaduwan ee gobolka wada dega

Xisbiga mucaridka wadani oo awooda saaarey sidii uu hanan lahaa codka aqblaiyada beeaha gobolka Degan sida qaar ka mida beelaha Habarcfaaan iyo Makahiil.

Iyada oo siyasiyiin ka soojeed beelaha kala duwan ee Habar cafan ay si aada uga dhex muuqdeen olalihii dorasha madaxtooyada Somaliland , Kuwasoo ku banayay in ay afka dhulka u galin donan xisbiga kulmiye cududa uu ku lahaa gobolka awdal.

Sidoo kale Hogan dhaqameedka beelahani ayaa iyaguna dhankooda aan ka maqnayn inay codkooda iyo cududooda ku biiriyeen xisbiga wadani  bal hada dib marka loo eego arrimahani sabab u noqdeen in xisbiga mucaaridka Wadani uu codad tiro badan ka helo qaar ka mida beelaha gobolka Awdal,waxeyna hogaan dhaqameedkani nidar ku mari jireen in xisbiga Kulmiye faradhmnaan kala tagi doono gobolada Galbeedka Soomaaliland

Kadib markii loo dareeray codeyntii doorashadii Madaxtooyada  xisbiga waddani ayaa heley codadka qaar ka mida beelaha habar cafaan ee ugu tunka weyn gobolka.

Maalmo kadib waxaa soo baxday in beel kamida beelaha daga gobolka awdal  indho adag iyo waji sarcaad warbaahinta la soo  fadhiisteen beeshan oo lagu magacaabo Makahiil ayaa hogaan dhaqameedkeedu si cad u sheegteen codkii Xisbiga mucaaridka Wadani .

Kuwaasoo shir jaraadi oo dhinac reerysan u qabteen hotelka rays ee Boorama ayaa waxey sheegeen in codkoodii ku meelmariyeen oo beeshani iyo dadkeedu ku muujiyeen xisbiga Wadani ,taaso la xaqirey beelihii kale ee codkooda siiyey xisbigawadani ,iyada oo laga qariyyey goobtii shirka jaraaid lagu qabaneyy balse ka soo hor muuqdeen beesha Makaahiil madax dhaqameedkooda iyo Siyaasiyiintooda, kana dhex maqnaayeen beelihii kale codka iyo cudad ku biiyey xisbiga Wadani .

Salaadiintani waxey sheegeen in Codkoodii Halkii loo baahnaa uu ku dhacey .

Geesta kale talaboyinkani waxa horay uga digay  Wasirka wasarad waxbarshada Soomaaliland Cabdilashi Ibrahim Habane  oo sheegay in beesha Makahiil Faanka dhigtey codka iyo cududa beelaha kale ku biiriyaan Xisbiyada ku jiraan kuwaasi oo tunka saarta,

Waxase arrimahani qaybka yihiin hadaladii uu sheegey wasiirka waxbarashada ,taasoo ka biyo diideen Beesha Makaahiil hadalada uu sheegey wasiirka waxbarashada oo bulshadu ku tilmaamtey kuwo xaqiiqada ku saleysan .

 

Si kastaba ha ahaatee doorashiid madaxtooyada Somaliland bulshada gobolka Awdal bartey in dadkii ku kala tageen Arrimaha siyaasada taaso la isku bartey ka daneysigii siyaasada taasi oo beel gaara ku shaqeysan jirtey danaha iyo Adeegsiga Siyaasada .

Wariye Abdilaahi Daahir Waceys

XeegoNews.Com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *