Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Boorama : Maxaad kala socotaa Wajiga baxa siyaasadeed ee kala Kulmeen Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye iyo Hogaanka Dhaqanka oo Kulamo Qaroodiya Ku Dhexmareen Gobolka Awdal

Boorama (Xeegonews.com) Hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye oo dhawaan ku sugnaa magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal kaasi oo hogaaminayeen musharaxa madxweyne ku xigeen ee xisbiga kulmiye iyo musharax madaxweyne safarkaasi qaatey mudo saddex cisho kuwaasi oo kulamo xasaasiya jilbaha la isku laabtey la qaatey hogaanka dhaqameedka beelaha kala duwan gobolka Awdal ,kuwaasiyoo ka qabsoomey hotelada  kala duwan iyo deegaanada dila iyo Baki kulamadan taageero loogu raadinayey xisbiga xisbiga kulmiye

Waxey ku soo dhamaadeen natiijo la ‘aan ka dib markii beelah qaarkood cabasho ka muujiyeen hanaanka iyo geedi socodka xisbiga kulmiye maamulida hogaanka xisbiga kulmiye.

Cabashooyinkan la hor dhigey musharaxiinta xisbiga Kulmiye salka ku haysa magacaabida gudida ololaha doorashada Madaxtinimada ee xisbiga Kulmiye ,taasi oo horey looga deryinayey wada shaqeyn la aanta ka dhex taagan gudida fulinta xisbiga kulmiye gobolka Awdal ,kuwaasi oo dadka qaarkood u arkaan in gudiga fulinta xisbiga kulmiye gobolka Awdal u badanyihiin ashqaas aan lagu aaminin Karin ka midho dhalinta Hadafka iyo ujeedooyinka laga leeyahey doorashada Madaxtooyada

Kulamadii uu Xisbig Kulmiye l Qaatey Hogaanka dhaqank qarkood ayaa ku intooda badan ku soo dhamaadey natiijo la ‘aan .

Si Kasta ha ahaatee kulamadi ololaha loogu raadinayo xisbiga Kulmiye ee Doorashada madaxtooyada waxa ku soo beegmey xili uu gudiga komishanka doorashooyinka Soomaliland ganaax dul dhigeen xisbiga Mucaaridka Wadani .

XeegoNews.Com

Senior Editor

Boorama /Awdal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *