Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Chelsea Oo Dooneysa Inay U Dagaalanto Soo Xerogelinta David Villa Si Uu U Caawiyo Torres.

chelsea105London (Xeegonews.com)-Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay ku biirto tartanka loogu jiro weeraryahanka Barcelona David Villa, iyadoo Rafa Benitez uu doonayo inuu keeno weeraryahan uu ku kiciyo Fernando Torres, sida ay maanta qortay jariirada Daily Mail.

Isagoo dib u soo celiyay gooldhalintii Torres bil gudaheed markii uu bedelay Roberto Di Matteo, Benitez ayaa doonaya inuu caawinaad siiyo Torres islamarkaana uu helo qof booskiisa buuxiya hadii uu dhaawacmo.

Weeraryahanka da’da yar ee Bayer Leverkusen Andre Schurrle ayaa weli diirada u saaran, laakiin Villa ayay haatan doonayaan inay ku raadiyaan amaah ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan, taasoo la micno ah inaysan ka qasin doonistooda ciyaaryahanka ay mudada dheer raadinayaan ee Radamel Falcao.

Benitez ayaa aqbalay inay adkaan doonto islamarkaana qaali ay tahay in ciyaaryahanka reer Colombia laga soo kaxeeyo Atletico Madrid bisha soo socota, iyagoo markaas qorsheynaya inay u dhaqaaqaan xagaaga.

Villa ayaa ah ciyaaryahan ay u arkaan xalka mudada gaaban ee Chelsea, waxaana David Villa oo 31 jir ah uu ka sii muuq beelayaa Nou Camp, waxaana uu sidoo kale yaqaanaa sida loo kiciyo Fernendo Torres ka dib sannado badan oo ay iskala ciyaareen xulka Spain.

Villa ayaa la dareensan yahay inuu qaato 110 kun ginni isbuucii, taasoo ku dhow lacagta ugu sareysa ee ay Chelsea bixiso.

Waxa uu ka ciyaari karaa booska gooldhaliyaha hadii Torres uusan diyaar aheyn ama waxa uu ka ciyaari karaa labada garbood ee weerarka, iyadoo Benitez ay sidoo kale siineyso inuu isku bedbedelo labada nin si uu uga dhigo mar walba kuwa caaboon.

Laakiin inay helaan bisha Janaayo ayaa iyadana ah caqabad kale, Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya Villa, laakiin agaasimaha Isboortiga Barcelona Andoni Zubizarreta ayaa yiri sida ay shalay qortay Daily Mirror.

“Bisha Janaayo waan ceshan doonaa Villa.

“Waa muhim in la xusuusto in Barcelona aysan aheyn koox aqbasha dalabyada u yimaada xiddigaheeda bisha Janaayo.”