Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ciidamada AMISOM oo saacadaha soo socda Ciidamada Itobiya kala Wareegi doona gacan ku haynta magaalada Baydhabo

AU Friedenstruppe in SomaliaWararka ka imaanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay isku diyaarinayaan in ay halkaas kala Wareegaan Ciidamada Itobiya oo la wareegay halkaas horaantii Febarayo.
Baydhabo ayaa bilihii la soo dhaafay waxay ahayd meel xaaladeeda alow sahal tahay, waxaana gacanata ku hayay Ciidamada Itobiya waxaana ka dhacayay dilal Qaraxyo ay shabaab ku weerarayaan Ciidamada Huwanata iyo dadka taageersan.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu wadaa in ay Noqoto  qeybta saddexaad ee howl galka AMISOM loo qorsheeyay, iyadoo ay ku sugan yihiin magaalada ilaa 800-askari ka socda dalalka Uganda iyo Brundi.

sidoo kale waxaa bilihii la soo dhaafay ka soo raynayay amaanka magaalada baydhabo oo ah magaalo ay daganaayeen 3 sano ka hor shabaab awood fiicana ku lahaayeern halkaas.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee qeybta 3aad ee Baydhabo ayaa sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo ay qabaan, isla markaana ammaanka uu yahay mid wanaagsan, isagoo cadeeyay in dhowaan ay soo gaari doonaan Ciidamo dheeraad ah.