Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DOORASHADII MAXAY INOO IFTIIMISAY?P

Sida dhacdo walba wax looga barto, doorashadii Somaliland ka qabsootay waxay inoo iftiimisay arimo badan oo murugsanaa oo siyaasad ahaan mahmiyad weyn ku fadhiya waayo waxay saamayn weyn ku yeelan doonaan guud ahaan.

Dal ahaan nidaamkii cusbaa ee loo adeegsadey diiwaan galintii codbixiyaasha waxay banaanka soo dhigtay tiro aad ugu dhow codbixiyeyaasha dalka tiradaas oo aad ugu fog tirooyinkii ka soo baxijirey doorashooyinkii horey dalka uga qabsoomay.

Waxaa weliba soo baxdey in miisaanka siyaasadeed ee Awdal noqon karo kan xaqiijin kara cidda guushu raacayso sobobtuna waxa weeyi marka lagu foorarsado sida codadka beelaha dhexe u qaybsameen.Laakiin waa haddii boqolkiiba 60 in ka badan Awdal meel wada marto.
Dhinaca Awdal haddaan jaleecno, waxaa soo shaac baxay in Beelaha Habar Cafaan oo dadka qaar miisaankeeda is diidsiin jireen inay tahay cududa Gobolka marka si dhab ah loogu foorarsado natiijada Awdal ka soo baxdey. Aqlabiyada Beeshaasi waxay codkooda siiyeen Xisbiga Kulmiye halka ilaa 12 kun oo codna uugu deeqeen xisbiga Wadani.
Olalihii doorashadu wuxuu shaaca ka qaadey in siyaasiga ruugcadaaga ah Abdillahi Dheere (Wasiirka Waxbarashada) oo ku duulaaya balasha Suldaanka Guud ee Galbeedka Suldaan Dhawal uu ahaa shaqsiga ugu fadalo cadaa ee khibradiisa iyo kartidiisa soo bandhigay guusha Kulmiyana aabaha ka ahaa.
Doorashadii waxay dibada soo dhigtay karti daro iyo maamul xumo ay soo hooyeen nimankii Xisbiga Kulmiye u igmadey hawlaha Kambaynka iyo doorashada. Nimankaas oo kale ah Axmad Xaaji Daahir iyo Axmad muunin Seed.

Mudane Axmad xaaji Dahir waa nin run ahaantii markii Rayaale dhacay siyaasada meel ku tiiriyay. Markuu dib siyaasada u soo galey wuxuu siyaasada ka amba qaadey halkii uu kaga tagay markii Rayaale wasiirka u ahaa. Axmad habdhaqankii siyaasadii Udub ayuu ku dhaqmay isagood moodo inuu hurdo ku jirey taniyo wakhtigii Kulmiye xukunka la wareegay.

Hantidii dhaqaale ee Xisbiga ayuu ku bixiyay amba gacanta u gashay dad wacad ku marey inay Saylici iyo Biixi dhulka la simaan. Axmad Xaaji Daahir ayaa si cad uuga hor yimid talooyinkii ka soo yeedhayay Wasiir Abdillahi Dheere oo khabiir ku ah siyaasada Galbeedka aragti fiicana u leh shaxda siyaasadeed ee dalka iyo tan gobolka.

Ninka kale waa Axmad Muumin Seed oo lagu yaqaano shaqsi barbarmarsan fahanka siyaasadeed, waana ninka loo aanaynaayo maamul xumada muraaqibiintii xisbiga Kulmiye oo sagaashan ka mid ah uu u igmadey shaqsiyaad u adeegaayay Wadani. Seed oo jabka siyaasadeed caado ka dhigtay wuxuu barbar maray muraaqibiintii Kulmiyaha Awdal sii diyaarsadey, kuwaas oo weliba lacag la’aan iyo isxilqaadnimo ku shaqeeyay ayagoo fashiliyay shirqoolo badan oo Seed ka masuul ahaan.
Sida ay xaqiijinayaan warar ku dhow-dhow hogaanka Kulmiye ee Awdal, dhalinta xisbiga ayaa hogaanka saree e Xisbiga ee heer Qaran gaar ahaan Gudoomiye Muse Biixi ka wargaliyay dhiilata ay ka masuulka yihiin Axmad Xaaji Daahir iyo Axmad Muumin Seed oo sida la aaminsan yahay aad u wiiqay Xisbiga.
Doorashadu waxay weliba iftiimisay habdhaqan aad u foolxun oo ka soo yeedhay beelaha musharaxa labaad ee Wadani ku meersanaa amba uu ka soo jeeday. Habdhaqanadaas oo marag ay u tahay markii ay tahniyadaynayeen Madaxweynaha guushu raacdey ayagoo si doqoniimo ah ka gaabsadey inay u tahniyadeeyaan Saylici oo tolkood ah kana guulaystay inankooda. Gafkaasi maalintuu dhacay waxaa weliba la galey gaf kale oo nuxurkiisu ahaan in la xusi waayo beelihii kale ee Wadani o codeeyay, xafladaasna waxaa ka maqnaa siyaasiintii beelaha kale ka soo jeeday ee Wadani u ololaysay. Taas ayaa marag ka ah abaal la’aan iyo ula kac ay ku muujinayeen cadaawada ay u qabaan siyaasiinta kale ah Saylici iyo Cabdillahi Dheere.
Dhacdooyinkaa ayaa noqotay mid ka yaabisay dhamaan ummada Somaliland balse soo bandhigtay habdhaqan hoosta ka xariiqaya halka ay aadamo ahaan taagan yihiin. Waa habdhaqan ka baxsan edebta siyaasadeed iyo tan bulsho. Waa habdhaqan cay ku ah dhaqanka dahabka ah ee ay leeyihiin shacbiga Galbeedka Somaliland oo taariikh ahaan hal-abuur u leh murti badan oo aas-aasi u ah qaab-dhaqmeed sal ay u yihiin edeb, ixtiraam iyo ilbaxnimo karaamo sare leh sida: ‘Waad baaha looma bahalo cuno; Hadaad dhimanayso dhareerkaa layska duwaa; Beeni maxay qaban, Booramaan ka imidee”.
Isku soo wada xooriyoo, doorashadii dalka ka qabsoontay waxay noqotay mid guud ahaan guul ku dhamaatay, casharo badana laga bartay isla markaas waxbadan u iftiimisay Madaxweyne Muuse Biixi oo dhawaan soo dhisi doona xukumada dalka hogaamin doonta wixii ka dambeeya Disember afar iyo tobankeeda.
Abris Awdal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *