Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
|
Szczesny
Sagna, Mertesacker, Koscielny, Vermaelen Arteta, Wilshere, Cazorla Walcott, Giroud, Podolski |
TOTTENHAM
Friedel |
Kulanka North London derby ayaan ku soo aadin xilli fiican, iyadoo labada kooxoodba iyo tababarayaashooda uu saaran yahay cadaadis, madaama aysan horyaalka ku bilaaban sidii la filayay.
AVB iyo Arsene Wenger mid kastaawaa uu qiray in kulankaan uu muhim u yahay islamarkaana inay dhibcaha helaan ay lama huraan tahay.
Arsenal ayaa u muuqata mid dib ugu soo yeeran doonta goolhaye Wojciech Szczesny ka dib markii uu labo bilood dhaawac canqowga la maqnaa.
Jack Wilshere ayaa diyaar ah ka dib markii uu ka soo laabtay ganaax, laakiin Bacary Sagna, Olivier Giroud, Theo Walcott iyo Mikel Arteta ayaa Wenger uu sheegay inay shaki ku jiraan inay ciyaari karaan.
Tottenham waxaa weli ka maqan Mousa Dembele, kaasoo dhaawac sinta ah weli la dhibtoonaya.
Jermain Defoe, Kyle Walker iyo Aaron Lennon ayaa dhamaantooda dhaawacyo ay soo gaareen isbuucii hore laakiin waxaa la filayaa inay kulankaan taam u noqdaan.
| MA OGTAHAY? |
Kulankii ugu danbeeyay ee labada kooxood ee ka dhacay Emirates ee Premier League waxa uu ku dhamaaday 5-2 oo ay ku badisay Arsenal, inkastoo Spurs ay 2-0 ku hogaamineysay.Powered by Aarxeego - Designed by xeego Gabfire Themes