Xeegonews.com

Halkan ka Daawo Khudbadii Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland u Jeediyay Madaxdhaqmeedka Ree Awdal
Halkan ka Daawo Kulankii  ay Maanta Yeesheen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Salaadiinta Gobalka Awdal

Wasiru Dawlaha Maaliyadda JSL Oo La Kulmay Madax Maraykan Ah
Wasiiru dawlaha maaliyadda ee jamhuuriyadda Somaliland Md Cismaan Cabdillahi Saxrdiid (Caddaanni) oo baryahanba ku guda jiray booqashooyin iyo socdaalo u ku gaalaa bixinayay waqooyiga maraykan ayaa maalintii shalay waxaa ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ku xigeenka kaaliyaha wasaaradda khasnadda dalka Maraykanka u qaabilsan arimaha argagixisada iyo dambiyada lacagta.  Wasiru dawlaha Maaliyadda ee jamhuuriyadda Somaliland Md cismaan Cabdillahi Saxardiid iyo ku xigeenka kaaliyaha wasaaradda khasnaddu waxay ka wada hadleen arimo badan oo la xidhiidha dhinaca wax wada qabsiga iyo in la iska kaashado ka hor tagga dambiyada lacagta la xidhiidha. Waxaa kale oo uu wasiirka iyo ku xigeenka kaaliyuhu ka wada hadleen horumarinta hawlaha la xidhiidha baananka iyo xawaaladaha ka jira jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii la iskaga kaashan lahaa farsamo ahaan arimo badan oo waxtar u leh jamhuuriyada Somaliland iyo dalka Maraykankaba.

Wasiru dawlaha jamhuuriyadda Somaliland Md Cisman Cabdillahi Saxardiid (Caddanni) wuxuu maalintii Arbacadii ee bishu ahayd 22ka bishan May kula kulmay aqalka baarlamanka ee loo yaqaan Capital Hill xildibaan ka tirsan golaha kongresska oo la yidhaa Keith Ellisson iyo shaqaalaha xafiiskiisa, xildhibaan Ellison oo ah xildhibaan laga soo doorto degmada 5aad ee gobolka Minnesota.  Wasiirka iyo xildhibaanku waxay ka wada hadleen arimo badan oo khuseeya danaha dalka Maraykanka iyo jamhuuriyadda Somalilandba. Wasiiru dawlaha jamhuuriyada Somaliland Md Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Caddaani) waxaa uu xildhibaanka uga waramay horumarka iyo nabadgalyada ay ku talaabsatay jamhuuriyadda Somaliland oo maanta dib ula soo noqoshadeedii xornimadu marayso 22 sanadood. Mudane Cismaan Cabdillahi Saxardiid ayaa marti qaad rasmiya inuu ku yimaaddo jamhuuriyada Somaliland u fidiyay xildhibaan Keith Ellison  oo isna halka kaga aqbalay.

Wasiiru dawlaha maaliyadda ee jamhuuriyadda Somaliland Md Cisman Cabdillahi Saxardiid (Caddaani) ayaa tan iyo intii uu booqashada rasmiga ah ku joogay waqooyiga Maraykan ka qayb galay munaasabadihii dabbaaldegga ee sanad guuradii 22aad ee dib ula soo noqoshada  qaranimada jamhuuriiyada Somaliland. Md Cismaan Cabdillahi Saxardiid ( Caddaani) ayaa ka qay galay munasabadihii 18 -ka May ee loogu dabbal degay magaalooyinka Ottawa iyo Toronto ee dalka Canada.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo ku baaqay in Dowladda Soomaaliya looga dambeeyo maamul sameynta Jubbooyinka
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxay ku go’aansadeen in dowladda Somalia ay qabato shir deg-deg ah oo loogu yeerayo dhammaan qaybaha ay quseyso ee ku nool gobollada Jubbooyinka, si shirkaas uu uga soo baxo Road-map lagu dhisayo maamul KMG ah oo laga hirgeliyo Jubbooyinka.

IGAD ayaa sheegtay inay ku taageerayso dowladda federalka Soomaaliya si loo waafajiyo maamullada la dhisayo dastuurka dalka, waxaana arrintan u xaqiijiyay HOL afhayeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo ku sugan Addis Ababa.

Inj. Yariisow oo khadka taleefoonka ugu warramay wariyaha HOL ee London, Ibraahim Baafo ayaa sidoo kale in qodobbadii kasoo baxay shirka wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ay ka mid ahaayeen in laga codsaday dhammaan qaybaha kala duwan ee ku sugan magaalada Kismaayo ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara xaalad amni-darro iyo xasillooni-darro oo carqalad ku keeni karta dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Wasiirrada IGAD waxay isla garteen in shirkii ka dhacay Kismaayo iyo qodobbadii kasoo baxay inaysan ahayn kuwo waafaqsan dastuurka dalka iyo inay ahayd in dowladda Soomaaliya ay hoggaanka u qabato balse taasi ay meesha ka maqnayd, qodobbadii kasoo baxayna ay ahaayeen kuwo aan loo dhameyn,” ayuu ku yiri Inj. Yariisoow oo u warramayay wariyaha HOL ee London, Ibraahim Baafo.

Arrintan ayay kusoo beegmaysaa xilli magaalada Kismaayo ay yeelatay saddex madaxweyne, lamana oga sida ay u aqbali doonaan go’aankan kasoo baxay shirka wasiirradda arrimaha dibadda ee IGAD oo kulan deg-deg ah ku yeeshay Addis Ababa.

Soomaaliya ayaa waxaa shirkan uga qaybgalaysa ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo shirkaas ka jeedisay warbixin ku saabsan mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha maamul u sameynta gobollada dalka Soomaaliya oo dhan.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD ayaa ka hor inta aysan go’aankan ka soo saarin shirkooda oo hordhac ahaa shir ay gellinka dambe ee isla maanta ku yeelan doonaan Addis Ababa madaxda dalalka IGAD waxay warbixin ku saabsan xaaladda Kismaayo ka dhageysteen guddi farsamo oo horay loogu saaray la socodka xaaladda ka taagan Kismaayo.

Madaxweynaha la doortay ee Jubaland iyo kuwa is-magacaabay ayaa waxay weli isku haystaan maamulka iyadoo la sheegayo in dadka Kismaayo ay kala taageersan yihiin labada ruux ee ugu saameynta badan oo kala ah: Sheekh Axmed Madoobe iyo Col. Barre Aadan Hiiraale.

Waxaa lagu wadaa in gellinka dambe ee maanta ay shir ku yeesheen isla Addis Ababa madaxda dlalaka IGAD, kuwaasoo ka doodi doona qodobbda kasoo baxay shirka wasiirrada IGAD, kaddibna ansixin doona, iyadoo tani ay guul weyn u noqon doonto dowladd Soomaaliya oo muddo dadaal ugu jirtay inay ka dhaadhiciso IGAD in la dhowro dastuurka dalka, dowladda Soomaaliya ay hoggaamiso qorshe walba oo lagu doonayo in maamul loogu sameeyo Soomaaliya.

Ugaas Doon, Astaanta Khilaafka ? By Maxamed Muse Caynaan
Ugaas Doon, Astaanta Khilaafka ? By Maxamed Muse Caynaan

Ugaas Doon Astaanta Khilaafka ? Maxamed Muse Caynaan

Intii uusan gumeystihii ingriisku soo galin dhulka Soomaalida, Gadabuursigu wuxu lahaa dowlad u gaar ah. Ugaasnimada Gadabuursiguna ma aheyn mid ku kooban dhaqan. Waxay ahayd dowlad buuxda oo leh wasiiro ( afar dhadhaar) iyo guurti amase baarlamaan ka kooban boqol oday. Ugaasnimadu inay aheyd mansab siyaasadeed oon dhaqan ku shuqul laheyn waxa cadeynaaya gabayadii u tiriyey Ugaas Nuur oo nuxurkoodu ahaa siyaasad. Gabayadaas oo u ugu caansan yahay gabaygii “Nin ii Daran “ eey ku jirtay:

• Allahayow nin ii daran maxaan, daafta hore seexshay • Nin ii daaqsanayaana maxaan, daafida u kariyey • Jidhku nimaanu doonayn maxaan, hadalka deeqsiiyey • Ma degdege xaajada maxaan, ugu dulqaad yeeshay

Sidii loo caleemo saaray Ugaas Nuur Sanadki 1835, Cilmi dheere oo Ugaasku adeer u ahaa, iskuna tirinaayey aftahan, gabayaa iyo kartiba ayaa tartan kula jiray Ugaaska. Tartankaasi oo ku cad gabayadii ay Ugaas Nuur iyo Cilmi dheere is weydaarsadeen. Khilaafkaas xoogani, wuxu wiiqay maamulkii dowladnimo ee gadabuursiga. Jilibo badan oo gadabuursi ihina waxay la kala safteen Ugaaska iyo Cilmi Dheere. Gabayadii waqtigaa la tiriyey waxa ka mid ahaa kuwii ay ku jirtay :

• Goroyadu ilmaheega waxay dhigtaa meel arooriya • Shimbirtuna aroos kay dhistay ubadka geysataa

Khilaafkaas oo taagan oon xal loo helin ayuu Ingriiskii ka soo dagay Saylac taariikhdu markii ay aheyd 1884. Taariikhda kuma cada in ogolaasho laga haystay Ugaas Nuur, waxase cad in Cilmi Warfaa ( Cilmi dheere) u hogaaminaayey duqeydii samaroon ee saxeexday heshiiskii gumeystihii Ingriiska lala galay 11kii Diisambar, 1884. Dad badan oo taariikhda dhuuxaana, waxay sheegaan in Cilmi Warfaa (Cilmi dheere) uga dan lahaa heshiiska u Ingriiska la saxeexday in Ugaas Nuur awoodiisa yareeyo, si ay ugu suura-gasho in u hantiyo Ugaasnimada. Taariikhdu waxay qoraysaa markii ugu horeysay ee Ugaas Nuur la kulmay Ingriiska inay ahayd sanadkii 1903. Sarkaalkii Ingriiska ahaa ee la odhan jiray R.G Edwards ee la kulmay Ugaasku wuxu qoraalkiisa ku sheegay in Ugaas Nuur ahaa nin qiyaas ahaan 75 jir ah, ahaana hogaamiye faranjiga (white man) aan jecleyn. Kulankaasi dhacay 1903 wuxu burinayaa qoraalada in Rooble Ugaas Nuur la caleema saaray 1888.

Saxeexa dhexmaray Ingriiska iyo Gadabuursiguna wuxuu dhaliyey in gumaystihii Ingriisku gacanta ku qabto siyaasadii dhulka Gadabuursiga, dowladnimadii Samaroona waxay ku koobnaan kari weyday dhaqan kaliya oo way xagal daacday. Markii uu Ugaas Nuur dhintay, Cilmi Warfaa wuxu tartan adag u gallay Ugaasnimada, hase yeeshee waxa laga siiyay wiilkii u dhalay Ugaas Nuur oo la odhan jiray Rooble Ugaas Nuur oo waqtiga la caleemo saaray ka dambaysay sanadkii 1903. Cilmi dheere wuu qaadan waayey in ugaasnimadii ka leexatay. Wuxu bilaabay halgan dheer iyo dadaal badan kuna jiheysan sidii ugaasnimada uu u heli lahaa. Halgankaas waxa cadeynaya gabayada u Cilmi dheere tiriyey. Khilaafkaasi wuxu dhaliyey in Gadabuursigu kala raacaan Ugaas Rooble iyo Ugaas Cilmi dheere, taasina waxay keentay in ugaasnimadii burburto. Burburkaa ka dib waxa soo baxay iney abuuranto saldaanad badasha ugaasnimada oo u qabto Suldaan Ina Cali Bucul.

Khilaafka ka sokow, waxa jiray arrimo kale oo burburka Ugaasnimada qayb ka ahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen :

1. Taladii siyaasada dhulka Gadabuursi oo u gacan gashay Ingriiska, Xabashida iyo Fransiiska. 2. Dhaqaale loo waayey maamulkii Ugaasnimada/ dowladda. 3. Ugaasnimadii oo ku ekaan kari weyday dhaqan kaliya.

Ugaasyada kale ee Doodi iyo Rooble ee la sheegayaa ma aheyn kuwa si xeerkii Ugaasnimada waafaqsan loo caleemo saaray. Tartanka Cilmi dheere Ugaasnimada u gallayna waxay muujinaysaa kana saareysaa meeshaa in Ugaasnimadu dhaxal aabe iyo wiilkiisa oo kaliye ku ekayn.

Doodi iyo Rooble midna taariilhdu ma qorin in ay xitaa siyaaro ku yimaadeen Somaliland amase Soomaaliya ee waxay ku ekaayeen oo kaliya Kililka shanaad. Cabdirashiidna markii aabihii la dilay wuxu laajinimo u tagay Xamar. SIyaad Barrena waxa loogu geeyey inuu u aqoonsado laajinimo, ilayn Siyaad Barre xaq uma laheyn inuu isagu magacaabo Ugaasyada Samaroone. Mushaharka u Cabdirashiid dawladdii Siyaad Barre ka qaadan jiray ee uu sheegay wasiir Garaadna, waxay aheyd mid u ku qaadan jiray laajinimo.

Taageerayaasha Cabdirashiid qaarbaa ku dooda in lagu caleemo saaray Lafa Ciise, kuwa kalena in Qulijeed lagu caleemo saaray. In badanina waxayba aaminsanyihiin oo maalintii dhawayd wasiir xirsi ay u sheegeen in Muqdisha lagu caleemo saaray! Taasi waxay ku tusaysaa in wax caleema saar la yidhaahdaa uusan ilaa maanta dhicin.

Sanadkii 1957 ayuu Ingrisku damcay inuu soo nooleeyo Ugaasnimadii Samaroon, tii waxay keentay muran iyo heshiis la’aan Gadabuursiga dhexdeeda ah. Cadaynta arrintaasina waxa marag ka ah go’aankii ingriisku kaga noqoday yagleelida Ugaasnimada Samaroon, isagoo ku muujiyey inay khilaaf dhalisay.(Tixraac warqada taariikh 2dii March, 1957 sumadeeduna ahayd G88 ee uu saxeexay guddoomiyihii degmada Borma/Saylac lana odhan jiray E.M.Westmorland Wood). Reerka degta ku sita maanta Ugaas doon Cabdirashiid, waxay siyaasada Gadabuursiga ee Somaliland hormood ka ahaayeen muddo labaatan sanno ah. Mudadaas dheer wax ugaas ku saabsan lagama maqal. Sababta oo ahayd baahi awoodeed oo ay uga baahnaayeeni ma jirin!

Maqalkii la maqlay in Ciise Ugaas ku caleemo saaraayo Saylac ayaa dhalisay in waxooga qurbajoog ihi haloosiyeen inay boodhka ka tumaan Ugaas Samaroon. Arrintaas oo ku ekeyd dad fara ku tiris ah oo ka tirsan qurba jooga Samaroon ee degan Kanada iyo Ingriiska oo kaliya. Daahir Rayaale oo ogolaaday caleema saarka Ugaaska Ciisaha in lagu qabto Saylac , ee waliba abuuray gobolka Salel ee Samaroonka moranka ku keenay, ma ogolayn in Ugaas Samaroon la soo yagleelo oo la keeno Soomaaliland.

Doorashadii sanadkii 2010 ee madaxtooyada Soomaaliland ee hormoodnimada siyaasada Samaroonka u u soo baxay Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo ka soo jeeda beesha Maxad-Case ayaa wax ka bedeshay aragtidii ay beesha maanta hormoodka Ka ahi ka qabtay Ugaaska Samaroon. Waxay u arkeen inay u adeegsan karaan Ugaas doon Cabdirashiid hangool amase aalad ay ku liciifan karaan Madaxweyne Ku Xigeenka, una suura gelin karta inay hogaanka siyaasadeed ee Soomaaliland ka muuqan karaan, maadaama u Cabdirashiid ka soo jeedo beeshooda .

La Soco Qaybaha Dambe….

Maxamed Muse Caynaan(Faraweyne) Borama/Somaliland faraweyne_cad32@yahoo.com

Urur Goboleedka IGAD oo ku Taliyay in Dowladda Soomaaliya lagu Ixtiraamo Maamul u sameynta Gobollada Dalka
Urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay soo saareen maanta waxay ku sheegeen in dowladda Somalia looga dambeeyo dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaalka ah ee dalka uu ku dhaqmayo, iyadoo la ixtiraamayo dastuurka Soomaaliya.

Warbixintan oo ay saareen guddi ka kooban IGAD oo booqashooyin ku kala bixiyay Muqdisho iyo Kismaayo ayaa lagu sheegay in ururka IGAD uu diyaar u yahay inuu dowladda Soomaaliya kala shaqeynayso hab walba oo lagu hir-gelin karo dhismaha maamullada gobollada dalka, haddii ay weydiisato.

Sidoo kale, warbixinta ayaa looga dalbaday dowladda Soomaaliya iyo golaha baarlamaanka Soomaaliya inay dedejiyaan sameynta shuruucda dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaaliisimka.

Arrintan ayaa waxay meesha ka saaraysaa maamullada aanay dowladdu raalliga ka ahayn oo uu ka mid yahay maamulka Jubaland ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo sidoo kale madaxweynayaasha is-magacaabay.

Ururka IGAD ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay ka sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqeyso sugidda ammaanka gobollada dalka, si loo helo nabad lagu qaban karo shirar lagu dhisayo maamul-goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale loogu baaqay inay qarameyso gabi ahaan ciidamada aan dowladda ka tirsanayn ee ku sugan gobollada dalka sida magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Xubnaha ka socday IGAD ee warbixinta ururinayay ayaa waxay Muqdisho kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, xidhibaannada baarlamaanka Somalia, cuqaasha beelaha, bulshada rayidka iyo saraakiisha AMISOM.

Dhanka kale, guddigan oo uu hoggaaminayay xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin ayaa waxay Kismaayo kula kulmeen, Axmed Madoobe, Barre Hiiraale, Cabdulle Dafle, Cumar Buraale iyo Iftin Xasan oo ahaa ragga isku haysta madaxweynnimada Jubaland iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, cuqaasha beelaha, ganacsatada, wafdi dowladda Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo iyo taliyaha ciidamada Raaskambooni.

Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dalalka IGAD, waxaana guddigan lagu sameeyay shirkii ururka IGAD uu ku yeeshay horraantii bishan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Halkan ka daawo Xuska Maalinta Fistulaha iyo Cisbitaalka Fistulaha Borama Oo 10 jirsaday.
Xuska Maalinta Fistulaha iyo Cisbitaalka Fistulaha Borama o 10 jirsaday.

Madaxweynaha Somaliland Oo Shaaciyay Inaan la Qaadi doonin Xayiraadda Duulimaadyada QM.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cadeeyay inaanay Somaliland ka noqon doonin go’aanka ay xayiraadda ku saartay duulimaadyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee iman jiray Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo uu 19 May, ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu kaga hadlay go’aankaas Somaliland ee la xidhiidha hay’adda ICAO oo ku wareejinaysa hawada Somaliland iyo Somaliya, dawladda federaalka Somaliya.

“Xayiraadda ay Somaliland saartay duulimaadyada Qaramada Midoobay, lama qaadi doono ilaa aanu heshiis ka gaadhno.” Sidaas ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalka kooban ee uu ku qoray bartiisa twitterka.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo isla maalintaas Twitterka geliyay, farriin kooban oo uu u diray beesha Caalamka, “Bulshada caalamku waa inay fahantaa inaan rabitaanka iyo himilooyinka reer Somaliland la iska indho tiri karin.”

Go’aankan uu Madaxweyne Siilaanyo ku ladhay xayiraadii uu wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, saaray duulimaadyada Qaramada Midoobay, ayaa u muuqda mid uu Madaxweyne Siilaanyo ku sii adkaynayo xayiraadaas, islamarkaana uu ku muujinayo inuu go’aankaasi yahay mid rasmi ah oo ay hirgelintiisu dawladda Somaliland ka go’antahay.

Wasiirka Arimaha Gudaha SL oo Maanta Socdaal Ku Yimid Borama Iyo Salaadiin Socadaalkiisa Diidan oo Shir Jaraa;id Qabtay.
Borama (Xeegonews) Waxa Maanta socdaal aan horay loo sii sheegin magaalada borama ku yimid wasiir wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur waxa magaalada Gorayacawl kaha hortagay maamulka Heer Gobal iyo Heer Degmo ee Gobalka Awdal iyo Sadaadiinta Dhaqanka ee Gobalka Awdal markii uu wasiirka wasaarada arimaha gudaha somaliland soo gaadhay gudaha magaalada borama waxa uu qabtay shir jaraa.i.d oo uu kaga hadlaayay socdaalkiisa uu ku yimid borama

waxa uu yidhi anigu kulay waxa aan Caan ku ahay in aan tago meelaha ay shaqaaqadu ka jirto laakiin maanta Gobalka Awdal waa Xasiloonyahay laakiin waxa yar jirta xaalad galin soo noq noqotay oo ka taagnayd Magaalada Xariirad iyo Agagaarkeeda waxa aan jecelahay ayuu yidhi wasiir Duur in aan xaaladaa awgeen odayaasha wada Dhex dhexaadinta in aan Gogosha Nabadeed Kula Fadhiisto

Waxa si Dookale is la maanta Gudaha borama shir Jaraa.id ku Qabtay Qaar ka mid ah salaadiinta Ree Awdal waxa ay dhaliiyeen Socdaalka uu Borama manta ku yimid wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland waxa ay yidhaahdeen xukuumada somaliland ayaa waxa ay Noo Qabatay 10 Maal mood in ay wax kaga Qabanayso Xaaladii ka Aloosnayd Magaalada Xariirad iyo Agagaarkeeda ilaa Maantana wax war ah oo ay maamulka somaliland La Yidhaahdeen Majiro sidaa awgeen anaku ma rabni maanta wasiir Nasasaba wasiirana waxa ay odayashaasi kula taliyeen in uu na gacmaha la soo galin hawshaase ilaa mar hore taala meesha

si doo kale waxa arintaa odayaasha wax laga waydiiday wasiirka oo ku sugan borama in uu socdaalka uu maanta ku yimid borama uu salka ku hayo hawshaase ay maanta odayaashu sheegeen waxa uu yidhi wasiir Duur anigu arintaa u ma Socon laakin waxa laga yaabaa in ay ka Qayb Noqoto Hawlaha aan U I mid Magaalada Borama

Shir looga Hadlayo Badbaadada iyo Nabadda Suxufiyiinta Af Soomaaliga ku hadla oo ka furmay Addis Ababa (SAWIRRO)
Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka furmay shir looga hadlayo badbaadada iyo nabadda warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga si oo ay ka qeybgalayaan saxafiyiin ka kala yimid Soomaaliya, Somaliland iyo Yurub.

Shirka oo ay qabashadiisa iska kaashadeen Urur goboleedka IGAD iyo Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika (EAJA) ayaa wuxuu soocn doonaa afar maalmood, iyadoo maanta oo uu shirka furmay looga hadlay badbaadada iyo nabadda warbaahinta Soomaaliyeed.

Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka kala socotay Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika ee EAJA, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya waxayna dhammaantood ka hadleen muhiimadda badbaadada iyo nabadda iyo warbaahinta Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cusmaan Nuur ayaa furitaanka shirka ka hadlay wuxuuna ugu horreyn soo dhaweeyay ka qeybgalayaasha shirka, isagoo sidoo kalena u mahadceliyay Ururradii suurtageliyay in uu shirkan qabsoomo.

Intaas kaddib waxaa uu ka hadlay ujeedka shirka loo qabtay, wuxuuna caddeyay in shirkan loo qabtay sidii loo heli lahaa badbaadada warfidiyeennada, wuxuuna tilmaamay in dadaal badan kaddib ay ku guuleysteen in arrinta nabadda iyo badbaadada warfidiyeennada la horgeeyo shirka Midowga Afrika uu ku leeyahay 24-ka bishan Magaalada Addis Ababa.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika (EAJA)Dr. Muheldin Ahmed Idris ayaa shirka ka hadlay wuxuuna sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu ka soo qeybgalo shir looga hadlayo nabadda iyo badbaadada warbaahinta Soomaaliyeed. Wuxuu intaas ku daray Dr. Muheldin inay difaacayaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyagoo la kaashanaya ururrada caalamiga ah.

Waxaa ka hadlay Ambassador Ramtane Lamamra oo ka socday Midowga Afrika ayaa hadalkiisa furitaanka shir jeediyay wuxuuna aad ugu dheeraaday muhiimadda badbaadada warfidiyeennada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ka welwelsan yihiin tacaddiyada loo geysto warfidiyeennada.

Ambassador Lamamra wuxuu shirka ka sheegay in shir midowga Afrika uu ku leeyahay Addis Ababa looga hadlayo badbaadada iyo nabadda warfidiyeennada , wuxuuna hoosta ka xariiqay in xiriirka ka dhaxeeya Midowga Afrika iyo Warbaahinta Soomaaliyeed uu yahay mid wanaagsan.

Wariyayaasha ayuu dhankooda ugu baaqay in ay noqdaan kuwo iska hubiya wararka iyo warbixinnada ay dadka u gudbinayaan ka hor inta aysan baahin, si aysan u dhicin in iyana lagu xadgudbo.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya Shimeles Kamal ayaa shirka ka hadlay wuxuuna sheegay in dadka labada dale ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay muddo 22 sano ka badan ku wada noolaayeen xiriir aad u wanaagsan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dowladaha iyo shacabka labada dowladood ay ka go’an tahay in ay nabad iyo derisnimo wanaag ku wada noolaadaan. Wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaarihii hor eee Itooboiya Meles Zenawi uu sheegay in ammaanka Qaranka Itoobiya uu yahay Soomaaliya oo xasilloon.

Intaas kaddib wasiirku wuxuu warbaahinta shirka ka qeybgeleysa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii dalka Soomaaliya uu nabad u noqon lahaa, bacdamaa ay heystaan awood ay dadka uga dhaadhicin karaan in ay nabaddu muhiimad u leedahay. Sidoo kalena wuxuu sheegay in Soomaaliya ay sugeyso dadka wax bartay meel kasta oo ay caalamka ka joogaan si ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagto.

C/rashiid C/qaadir Warsame oo ka socday Urur goboleedka IGAD ayaa sidoo kale shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay in IGAD ay muddo dheer ku howlaneyd arrimaha Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha ka jira, wuxuuna xusay in dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya loo soo dhisay uu gacan weyn ku lahaa urur goboleedka IGAD.

C/rashiid waxaa uu sheegay in saxafiyiinta ay yihiin dhegaha iyo indhaha shacabka Soomaaliyeed waayo buu yiri waxay cod u yihiin dadka aan codka lahayn. Wuxuu ku boorriyay saxafiyiinta in ay dadka nabadda iyo waxyaabaha wanaagsan ay u sheegaan, isla markaana ay ka dhisaan dhinaca aqoonta diinta Islaamka.

Jamaal Axmed Ibraahim oo ah wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay furitaanka shirka, isagoo dhaweeyay ka soo qeybgalayaasha shirka. Jamaal waxaa uu intaas ku daray in ujeedada shirkan loo qabtay ay tahay in la tayeeyo warfidiyeennada, isla markaana aqoontooda la kordhiyo, wuxuuna caddeeyay in ay qorshaha ugu jirto in ay waxbarasho u helaan saxafiyiinta si loo helo warfidiyeenno ka dhisan dhinaca aqoonta, kuwaasi oo buu yiri haddii ay si wanaagsan u shaqeeyaan dadkooda iyo dalkooda u horseedi kara horumar.

Berri ayaa lagu wadaa in saxafiyiinta shirka ka qeybgelaya ay booqdaan xarunta Midowga Afrika, halkaas oo uu socdo shirweyne lagu xusayo sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay Ururka Midowga Afrika.

Munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii kasoo Wareegtay Aasaaskii Ururka Midowga Afrika
Munaasabad lagu xusayo sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo lagu wado in madaxda dowladda ugu sarreysa ay ka qaybgalaan munaasabaddaas.

Munaasabaddan ayaa ka dhacaysa Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee ay AMISOM ku leedahay Soomaaliya, waxaana Muqdisho soo gaaray saakay wufuud ka socda Midowga Afrika iyo dalal kale oo Afirkaan ah.

Ciidamada AMISOM ayaa adkeeyay ammaanka xarunta Xalane iyo goobaha ku dhow iyadoo lagu wado in munaasabaddan ay ka qaybgalaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay kulankaas ka jeediyaan hadallo ku aaddan howlaha ay ciidamada AMISOM ka hayaan gudaha dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalladii ay la galeen Xarakada Al-shabaab.

Ururka Midowga Afirka oo la aasaasay sannadkii 1963-kii ayaa Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii lahaa fikirka waxna ka aasaasay, waxaana ka ahaa madaxweyne xilligaas Allaha u naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya.

Xubnaha ka qaybgalaya munaasabaddan ayaa waxaa ka mid ah ergayga AU-da ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif oo shalay soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inuu kala qaybgalayo shacabka Somalida dabaal-dagga loo sameynayo aasaaska Midowga Afrika.

Waa markii ugu horreysay oo munaasabad lagu xusayo sannad-guuradii ka soo wareegtay aasaaskii ururka Midowga Afrika lagu qabto Muqdisho tan iyo markii uu dalku galay burburka iyo colaadaha sokeeye.