Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddoomiyaha Degmada Borama Ee Xisbiga Kulmiye Oo Xukuumadda Eedeeyay Iyo Xaruntii Guud Ee Xisbigu Ku Lahaa Burco Oo Kiro La’aan Looga Saaray

Boorama09Borama (Xeegonews.com)  Guddoomiyaha degmada Borama ee xisbiga Kulmiye talada dalka haya ee Kulmiye Cabdi Suldaan Kadiye, ayaa shalay xukuumadda ku eedeeyay inay balaayo siyaasadeed galisay khilaafka Maayarnimada Saylac.

Cabdi Suldaan Kadiye oo shir-jaraa’id ku qabtay Borama, ayaa sheegay in Saylac nabdoon tahay oo aanay dhibaato ka jirin, balse dhibaatada ka jirtaa ay tahay balaayo siyaasadeed waxa uu ugu yeedhay taasi oo uu ku xidhiidhiyey xukuumadda uu xisbigeeda xilka u hayo isla-markaana ka mid yahay.

Masuulkan oo arimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Magaalada Saylac waa nabad oo balaayo kama jirto, laakiin balaayo siyaasadeed ayaa ka jirta, waxaanan balaayada siyaasadeed ee ka jirta aan u sababeynayaa dawladda oo doorkii dawladnimo ka gaabinaysa, dadka wax ka dhexeeyaana waa dadkii degganaa, doorashaduna waxay uga dhacday sidii ay Somaliland oo dhan uga dhacday, xildhibaanada ka soo baxayna waxay la mid yihiin xildhibaanada Somaliland ka soo baxay, sida wax loo buunbuuninayana wax maaha, laakiin dawladda ayay ahayd inay waajibkeeda si fiican u gudato”

Dhanka kale, Xafiiskii Gobolka Togdheer ee xisbiga Kulmiye ee Magaalada Burco ayaa gabi ahaanba alaabada loo laabay ka dib markii xisbigu ku guul-dareystay inuu bixiyo kirada dhismaha xafiiska u ahaa, taasi oo keentay in mulkiilihii gurigaasi uu ka saaro.

Xafiiska Kulmiye laga saaray, ayaa la sheegay in markiiba laga kireeyay Muwaadin ka dhiganaya Farmasii, kaasi oo uu markii uu la wareegay furaha dhismahaasina dhamaan ka wada masaxay caalamadii xisbiga Kulmiye isla-markaana mariyey nuurad cad.

Wariyaha Waaheen ee Burco oo booqday xafiiska Kulmiye ee kiro la’aanta looga saaray masuuliyiintii xisbiga ee uu xarunta u ahaa, ayaa sheegaya inuu dhismahaasi la mariyey nuurad-cad, lagana masaxay caalamadii xisbiga Kulmiye, iyadda oo la tilmaamay in mulkiilaha gurigaasi ka saaray masuuliyiintii xisbiga markii ay muddo dhowr bilood ah iska bixin waayeen kiradii lagu lahaa, taasina keentay inuu qof kale oo ku shaqeysta ka kireysto.

Arintan ayaa fadeexad weyn ku ah xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye, maadaama oo uu awoodi waayay inuu xafiiskii caasimada labaad ee dalka uu ku lahaa kiro la’aan looga saaro isla-markaana qalabkii yaalay dibada loogu daadiyo, halka ururadii hadhay qaarkood ilaa hadda ay xafiisyadoodii furan yihiin.

Xafiiskan oo ah ka guud ee ay wada hoos yimaadaan xafiisyada kale ee Gobolka Togdheer, ayaa xidhitaankiisu muujinayaa in xafiisyadii ka hooseeyayna hore albaabada loogu laabay, maadaama oo xafiiskii guud kiro la’aan awgeed xisbiga looga saaray isla-markaana ganacsi loo diyaariyey, inkasta oo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Togdheer Sahal Aadan oo Waaheen arintan waydiisay ku jawaabay “Arintani waxa ay ahayd mid aanan ogayn kuna warhelnay iyadoo ranjigii laga bedelayo xaruntii waxaana ay ahayd khalad waanuna xalinay arintan oo inanka guriga leh ayaa yidhi guriga ayaanu u baahanahay”

Ka sakow hadalkan, waxgarad reer Burco ah ayaa muran iyo dood dheer ka dib ku guulaystay in ninkii xafiiska kireystay ay ku qanciyaan in lacagtii uu xafiiska ku kireystay dib loogu celiyo.