Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddoomiye Cirro Oo Guddida Diwaangalinta Ururada Ugu Baaqay Inay Eegaan Sharcinimada Xilka Guddoomiyenimo Ee Faysal Cali Waraabe

ciroHargeysa (Xeegonews.com) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa Guddida diwaangalinta ururada siyaasada ugu baaqay inay eegaan sharcinimada Eng Faysal Cali Waraabe uu markii saddexaad xilka Guddoomiye ugu yahay xisbiga UCID.

Guddoomiyaha Waddani oo doraad ka hadlayay Munaasibad loogu wanqalayey guusha uu ka soo hooyey doorashadii deegaanka, isla-markaana ka jawaabayey hadalo hore Faysal Cali Waraabe u mariyey ayaa sheegay in xeerarka dalku aanay ogolayn in qofna uu laba jeer noqdo Musharax Madaxwayne ama Guddoomiye xisbi, waxaanu guddida diwaangalinta ururada siyaasada ugu baaqay inay eegaan sharcinimada xilka Guddoomiye ee Faysal Cali Waraabe.

Md Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu hadal door xul siyaasadeed ah hawada u mariyey Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, waxaanu ugu baaqay in aanu soo dhex galin arimaha u dhexeeya saaxiibkii Faysal Cali Waraabe oo ay hore isku xisbi u ahaayeen.

Guddoomiye Cirro oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Qaranku waa saddex waaxood oo kala ah Sharci dejinta, xukuumadda iyo garsoorka, waxaan dastuurku tilmaamay kala madax-banaaninooda. Tusaale, haddii xubin baarlamaanka ah loo magacaabo wasiir waa inay xilka iska casishaa, waxaan ugu dambeeyey wasiirka daakhiliga iyo wasiirka Maaliyadda oo aan hadda ka mid ahayn”

Guddoomiye Cirro, waxa kale oo uu soo qaaday isaga oo iswaydiinaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu noqon karo Guddoomiye Xisbi ama urur “Gudoomiyaha Golaha wakiiladu ma noqon karaa Gudoomiye urur ama Xisbi?, Dastuurka iyo  xeerarka JSL Somaliland midna ma diidayo”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo la hadlaya Faysal Cali Waraabe “Gudoomiye  Faysal ayaa sanad ka baadhayey arrintaas dastuurka iyo xeerarka waanu ka soo waayey. Wuxuu ula tgey Kulmiye. Waxa uu ula tegey uradii siyaasadda. Waxay ku yidhaahdeen arrinta wax diidaya ma hayno. Malaha hadda wuxuu ka baadhayaa arrintaas dastuurka cusub ee PUNTLAND, Markuu ku xiiqay waxa uu baahday cid ka nasisa. Wuxuu soo helay Jamaal. Jamaal abtigay hore ayaan ula taliyey waxaan idhi qori nin kale cabeeyey keeba ha qaban. Qorigii ninka kale cabeeyey  keebkii ayuu qabtay. Laakiin maantana talo kale ayaan siinayaa. Sisilada xaydha  la yidhaa niman isku deegaan ahaa ayaa isugu gabyey. Nin aan ka mid ahayn kooxda isu gabyeysaa oo la yidhaa Guuleed Xawaashe ayaa soo galay silsiladii. Dabeed nin kooxdaas ka mid ahaa oo aan jeclaysan in Guleed xiiqa soo galo ayaa tix yar ku yidhi Guleed  gaboobana maxaa geliyey xiiqdiisa. Anniga iyo faysal maalintiina waan isu gabaynaa, habeenkkinna waan isu gudnaa ee adigu halkii Guleed Xaashe ha gelin”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ka faalooday inta jeer ee Faysal Cali Waraabe u tartamay Madaxwaynenimo ama Guddoomiye “Faysal 2003  wuxuu noqday musharax Madaxweyne ee UCID, Faysal 2010 mar kale ayuu noqday musharax madaxweyne ee UCID, Waxa uu labada jeer la galay doorashada Dahhir Riyaale kaahin oo ahaa, Madaxweynaha JSL AHNA Gudoomiyaha UDUB AHNA musharax Madaxweyne ee UDUB sanqadh iyo hadal midna lagama maqal, Tolow manta ma qaylisiiyey?

Waxaan leeyahay baqdinta badan iska daayoo  hadaad laba jeer Madaxweyne la tartantay   hal mar Gudoomiye baarlamaan waa la tartami kartaa.

Weliba labada oday (Faysal iyo Jamaal)  waxaan u sheegayaa inaan manta laga bilaabo AH kalena ku darsaday oo ay noqon doonto AHNA AHNA. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada AHNA, Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI  AHNA, Musharaxa Madaxweynaha WADDANI, Labada oday waxaan kula talinayaa in gartaan cidda  la rabo inay mucaard ku noqdaan, Labada oday ha  iska dhaafan inay dhagxaan gurtaan oo dadka shidaan iyaga oo guryahooda quraarad ka sameysan yihiin. Waxaan intaas ku darayaa madaxda UCID may qaadan dardaarankii Eng maxamed Xaashi ee ahaa inay ixtiraamaan dastuurka iyo shuruucda dalka.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo fariin u diraya Guddida diwaangalinta ururada siyaasada “Sida ku cad qod 12 Faq 1 iyo 2aad ee xeer Lr 14/2011 muwaadina laba jeer ka badan ma noqon Madaxweyne ama Gudoomiye Xisbi. Gudoomiye faysal wuxuu markii saddexaad ku fadhiistay kuna fadhiyaa Gudoomiyaha UCID taas oo si cad u jabinaysaa xeerkaas dhaqan galka ah,  Guddida Diwaan gelinta ururada waxay sheegtay in xisbiyada ku hubin doonaan ku dhaqanka xeerarka, bal arrintaas  dib ha eegaan”

Guddoomiyaha Waddani, waxa uu eedaymo u jeediyay xukuumadda iyo Komishanka doorashooyinka  “In kasta oo ay qabashada Doorashada golayaahsa  deegaanka guul u ahayd Somaliland, hadana waxa soo ifbaxay khalaadaad badan kuwaas oo  wiiqdey kalsoonidii shacabka, nidaamkii iyo haybaddii dawladnimo waxeyna halis geliyeen nabadgeliyadeenii iyo wada jirkii ummadeenna, Xisibiga Waddani wuxuu  u arkaa in halistaasi ka dhalatey doorashooyinka ay masuuliyaddeeda koowaad leeyihiin Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xukuumadda Somaliland”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray  “Komishanka doorashooyinku wuxuu muujiyey  maamulxumo baahdey oo ay ka marag kacayaan go’aannada aan laga fiirsan ee ay ka soo saarayeen natiijooyinkii doorashada, taasi oo ka noqoshadoodiina ay abuurtey xasilooni daro, Waxa kale  soo baxay cabashooyin ah in  xukuumadda Somaliland  fara gelisay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka iyo u madax bannaanida  dhismaha maamulkooda ay ka dhasheen loolan qaybiyey shacabkeenna, Maamul xumada Komishanka iyo faragelinta  xukuumaddu waxa ka dhashay  gadood iyo mudaharaadyo keentey dhimasho iyo dhaawac, walwal badanna gelisay nabadgelyada guud ee dalka”

Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ku baaqay “Waa in la tayeeyo garsoorka dalka si ay gutaan waajibkooda ilaalinta caddaaladaa”ayuu yidhi isaga oo intaasi ku daray in siyaasada arimaha dibada Somaliland loo iba bixiyo  “Xukuumadda Somaliland waxa looga baahan yahay inay u iba bixiso siyaasaddda arrimaha JSL, kuna hagto siyaasad cad oo ka fog inay abuurto wax shaki gelin kara shacbiga, wadadhadalda Somalia iyo Somalilandna waan in tiir dhexaad u nqotaa gooni isu taagga iyo Madax banaanida JSL”

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa kale oo uu ka hadlay ganacsiga iyo sicir bararka “Inkastoo uu ganacsiga xorta ahi kordhey haddana waxaa muuqata in nidaamkii lagu maamuli lahaa dhaqaaluhu curyaan yahey, waxaa maalin kasta sii kordhaya sicir bararka daruuriyaadkii nolosha oo ka dhashey qiimaha dollarka iyo lacagaha qalaad ee aan is taageyn keeneteyna ineysan danyarteennii 70% wax iibsan karin, sicir bararka joogtada ah waxaa weheliya shaqo la’aanta baahsan ee aan ka yarayn 65%, dhibaatada qaadka ee kartidii, iyo hantidii ummaddaba lumiyey”