Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiyihii xisbiga KULMIYE Ee Gobolka Awdal Oo Xabsiga Loo Taxaabay

t2Boorama(Xeegonews.com) gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal Muuse Carab Dugsiiye ayaa saaka xabsiga loo taxaabay waxaana Arintaasi Shabakadaha Wararka u Xaqiijiyay  Suldaan Abshir  waxaanu yidhi “ haa waa la xidhay waxaanan ku soo arkay saldhiga dhexe ee booliska laakiin ma garayo sobabta loo xidhay “

Wararku waxay intaasi ku darayaan in sobabta loo xidhay loo malayno in ay tahay mar uu si adag uga hadalay arintii  saylac ee muranku ka taagnaa isla markaasina ay xukuumadu ka cago jiidaysay in aqoonsato maamulka cusub ee degmada Saylac .

dhinaca kale warar ka ag dhaw masuulkani la xidhay ayaa sheegaya in xadhigiisani uu ka dambeeyey isaga oo looga shakiyey in uu ka mid yahay dadkii qaban qaabinayey munaasibad baroor diiq loogu samaynayo  4 February 1991 oo ahayd markii ay ciidamadii SNM soo galeen Gobolka Awdal .

Xigasho Geestiir.com