Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hadal reebka Humaagii Lagu hungoobay ee Hal,ka Hir Galin By indhoqurux

Hibiriirsi  siyaasadeed  oo salka ku haysa  hayb  kana madhnaa hawlaha lagu hir galin karo hadaf siyaasadeed oo  galbeedka xisbiga Wadani  kaga hawlanaa   mana hirgalin waxaanu noqday humaag aan horayba loo astayn waxa ka iman kara  ama  ka hir gali kara .

Hawlwalba iyo heddel walba  oo loo hawl gala waxaa ay reebtaa  hami waara lana mahadiyo ,hadaba  talaabooyinka kala hagay taagerayaasha beelaysan ee  xisbiga wadani waxaa  u quus gooyeen   masuuliyiin,hogaanada jaamacadaha badhkood  ,uqaal iyo siyaasiyiin  aan kaga soo huleedhay xisbiga  isla markaana  hawl ku keenay cod iyo taageero siyaasiya misana  loo qabin abaal xisbi ,siyaasadeed iyo beeleedba.

Hilaabashada  guuldarada  hiilka loogu magic daray  waxaa sobobay  hogaanka  ku caana astaanta guul darada kana soo   hinqaday xisbi xushmad wayn u hayay waxaanay masuuliyiintani  warbaahinta isla soo hortaageen   Gobolka ayaan  hogaan Siyaasadeed ka ahay.

Hadal haynta  haatan  hawlaha waxaa wali lagu holing waayay hankii    beelaysnaa  huluushii gaabnay iyo hadimadii loo magleegay  Xisbiga kulmiye oo aan Hirgalin  hadaba  aan kala  qalo hadalka  u badnaa  huumaaga, haddimada,hibiriirsiga iyo hilaabashada .

  • Humaagii   aan Hirgalin  :-

Humaaga haybta  Galbeedka  xisbiga wadani waxaa uu ahaa in laga hir galiyo hawlgalkii lagu mijo xaabshay   gudoomiye ku xigeenkii koowaad   Axmed Muumin Seed  misana  siyaasiyiintii door bidayay guul salbalaadhan kasoo hayn lahaa  xiligaana dhagay jalaq loosiin talooyinka  ku aadan codka  Gobolka Awdal  oo horay hogaanka xisbiga wadani loogu  sheegay inay keeni doonaan cod dhan  40,000 (afatran kun) oo dheeri ah xiliga tirsiga codbixinta codbixiyayaasha , waxaanay  noqotay  mid ku koobnayd  qoraalka waraaqo  laguna   hir galinayay  musharaxnimada  Maxamad Cali Cabdi oo qurba jog aan wadanka Mudo iman  ahaa  Humaagaasina waxaan odhan karaa waxaa uu noqday  Halbacaad lagu lisay.

  • Haddimada  laga maleegay Borama:-

Hadimada Looga  maleegay  xisbiga Kulmiye  Gobolka Awdal  waxaa laga xusi karaa in masuuliyiinta ugu sareeyay oo siyaasad ahaan iyo kasbashada bulshada bulshada ay hayb ahaan kasoo jeedaan loo galiyay hedel iyo hanti misana  kuraas sare loogu  quus gooyay tartamayaashii  uhanqaltaagayay  Gudoomiyaha Golaha wakiilada iyo kuxigeenka Koowaad ee ilsa golaha oo aan walaac badan laga qabo halka uu maray codkiisa  .

Masuuroobin in ay fusho qorshe siyaasadeedka laga lahaa kursiga ku xigeenka koowaad iyo  hanashada  shacabka waxaanay goolaaftan dheer iyo  gogol lagu gorfaynayo halka uu marayo codka iyo masayrka siyaasiga ah ee haybta ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiiladu iyo wasiiro  tiro leh.

Sida laga war qabo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa hoosta ka xariiqay in masuuliyiinta habytaasi iyo ganacsatada  deegaan kasoo jeeda  Galbeedka Borama  heshiisyo hoose oo ku salaysan taageerada muuqa iyo abaabu sare halke xiliga codkana lagu afjaray in loogu quus gooyo xisbiga kulmiye loona codeeyo  xisbiga wadani oo heshiis hoose  dhex maray .

  • Himbiriirsiga siyaasadeed :-

Himbiriirsiga  siyaasadeed ee ugu muuqday  humaaga gagaagsiga  noqday misana aan lagu faa iidin  ee galbeedka Xsibiga wadani waxaa uu salka ku hayay aragti dheer oo aan lagu jaan goyn Karin  waxa dhab ah ee umuuqday  hogaanka xisbiga oo ku qancay warbixinta dhinac ka rarnayd  islamarkaana iftiiminaysay  in haybta   musharaxa madaxwayne  ku xigeenka hankiisa wiiqmay  ee xisbiga wadani  ay dhamaan   masuuliyiinta xisbiga wadani  ,xisbiga kulmiye,shaqaale dawladeed iyo xubin walba oo codbixiya ahi  inay u codeeyaan Xisbiga wadani, ugu danbayn  waxaa gabi ahaanba  gaba gaboobay  himbiriirsigii siyaasiga ahaa ee  laga qorsheeyay Gobolka Awdal .

  • Hilaabashada guuldarada :-        

Hadafkii dhuuni raaca beelaysan iyo hilaabashada guuldarada  aan u cimaamaday xubno ku sifoobay astaanta guuldarada  kana soo dhex muuqanayay xisiga wadani waxaa ay sobobtay in kaliyaystaan codadka ka yimi  deegaanada kala duwan kuna sheegay inay beel kaliya u codaysay xisbiga waxaanse la yaabay  masuuliyiinta kale ee wali sii daba guuxaysa  siyaasiga   gumaawga  fashilan ee galbeedka Borama

Yuusuf cabdi cali indhoqurux
Lasoco qaybta labaad
XeegonNews.com
Borama

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *