Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hargaysa (Xeegonews) –War Dag Daga:-Xogtii Ugu Danbaysay Ee Laga Helayo Natiijada  Doorashada Madax Tooyada Somaliland

Hargaysa (Cadceed) –War Dag Daga:-Xogtii Ugu Danbaysay Ee Laga Helayo Natiijada  Doorashada Madax Tooyada Somaliland
——————————————————
idinka oon ii cadhoon, xumaana iiga qaadan, una arkin in aan cid gaar ah u xaglinayo, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa oo ilaahay igu ogyahay Xogaha aan helay ilaa hadda,
Kedib markii aan xogo ka helay, weriyeyaal Xogagaal ah, kormeerayaal xisbiyada ka tirsan iyo goobjoogayaal kale waxa la qiyaasayaa ama leeyahay waa loogu kala horeeyaa sida.
GOBOLADDA IYO SIDA LOOGU KALA HOREEYO
———————————————–
GOBOLKA AWDAL: ilaa hadda sida la qiyaasayo waxaa ku horeeya oo kaalinta koobaad ku hogaaminaya codaynta socota Xisbiga Kulmiye oo 15% la leeyahay WADDANI ayuu kaga horeeyaa, Kaalinta labaad WADDANI ta sadexaadna UCID
GOBOLKA MAROODI JEEX: ilaa hadda xogaha aan helay ee maqiyaaska xogogaalka ah waxaa kaalinta koobaad ku hogaaminaya doorashada ilaa hadda Xisbiga KULMIYE oo 18% la leeyahay wuxuu kaga horeeyaa WADDANI oo kaalinta labaad ah iyo UCID oo kaalinta Sadexaad ah.
GOBOLKA SAAXIL: xogaha aan helayaa waxay ii sheegayaan in xisbiga KULMIYE 35% uu ku hogaaminayo codaynta weli socota, WADDANI ayaa kaalinta labaad ah sadexaadna UCID
TOGDHEER: gobolka togdheer oo la sheegayo in wax yar la kala horeeyo 16% ayuu xisbiga KULMIYE ku hogaaminayaa, kaalinta labaad waa isla WADDANI ta sadexaadna UCID.
GOBOLKA SOOL: gobolka sool oo ay codka ugu badan leedahay SARAARI waxaa 30% ku hogaaminaya xisbiga KULMIYE kaalinta labaad waa WADDANI ta sadexaadna UCID.
GOBOLKA SANAAG: waa gobolka aadka la iskugu dhowyahay se warar aan ka helayo degmooyinka codaynta iyo xogogaal baddan oo aan u ahay ayaa sheegaya in XISBIGA KULMIYE 9% uu ku hogaaminayo ilaa hadda codaynta. xisbiga WADDANI ayaa kaalinta labaad ah, UCID meelna sanaag lagagama sheegin weli.
====SHAXDA QIYAASTA AH EE ILAA HADDA====
GOBOLKA — UCID——–WADDANI——KULMIYE
awdal 3% 38% 59%
Maroodijeex 14% 38% 48%
Togdheer 8% 47% 45%
Sool 16% 30% 54%
Sanaag 7% 45% 48%
Saaxil 5% 32% 63%
———————————————————-
`TOTAL KA GUUD EE DOORASHADA INTA HADA CODAYSAY
———————————————————–
UCID: 10%
WADDANI: 40%
KULMIYE: 50%
FG1: ma aha natiijadii guud balse waa qiyaasta sida loo kalo horeeyo ilaa hada se weli codayntii way socotaa oo saadaali ma dhawa.
FG2: xogtan waxaan ka helay dad goobjoogayaal ah, oo u badan kormeerayaal iyo suxufiyiin xog-ogaal ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *