Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hargeysa : Isku shaadheyn lagu Sameeyey Wasaarada Caafimaadka G/Awdal iyo Masuuliyiin Xilal Loo Magacaabey iyo Qaar Xilalkii Laga Qaadey

Hargeysa (Xeegonew.Com) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland Dr Xasan Cismaan Yuusuf oo maanta wareegto ka soo saarey xafiikiisa waxa uu magacabis iyo isku shaadheyn ku sameeyey Shaqalaha Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland Gar ahaan gobolada dalka waxana isku shaaheyntani Saameysey gobolada dalka .

Wasiirka ayaa waxa uu iskuduwaha wasaarada Caafimaadka Gobolk Awdal ayaa loogu magacaabey Dr Mustafe Muumin Muuse ,Sidoo Kale Agaasimaha Cusbitalka Magaalada Boorama ayaa Loo Magacaabey Dr Cabdisalaan Jaamac Ibraahim ( Dr Gahayr) waxana xilkii agaasimaha dhakhtarka Boorama laga qaadey Dr Ismaaciil Xaaji Muxumed Aye oo Mudo Dheer hayey ,

Dhanka kale waxa madaxa daryeelayaasha Wasaarada Caafimaadka g/Awdal loo soo magacaabey  masuul cusub oo lagu Magacaabo Maxamed Axmed Faarax ,xilkan oo uu horey u heyn jirey Maxamed Cumar Xaaji Yaabe.

saddexdan masuul ee loo magacaabey xilalka kala duwan ee caafimaadka g/Awdal ayaa looga fadhiyaa in isbadal la taaban karo ka hirgalayaan wasaarada caafimaadka G/Awdal iyo cusbitalka Magaalada Boorama.

Xeegonews.Com

Boorama /Awdal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *