Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

“Haweenka Sucuudigu Way Heli Doonaan Xaqa Ay U Leeyihiin Inay Baabuurta Kaxeeyaan

178sucuuddiHaweenay u dhalatay Saudiga oo u dhaqdhaqaaqda in haweenku ay xaq u leeyihiin inay baabuurta kaxeeyaan oo la yidhaa Manal Al Sharif, taas oo soo jiidatay warbaahinta caalamka ayaa xayiraad laga saaray inay gaadhi kaxayso. Qoraal ay u soo dirtay Bar internet oo laga leeyahay Emaraadka Carabka ayay Manal ku sheegay in Haweenka Sucuudigu ay ku dhiiradaan sidii ay ugu halgami lahaayeen inay helaan xaqa ay leeyihiin oo aan ahayn oo kaliya Gaadi Kaxaynta.

Manal Al-Sharif mar la waydiiyey in ay iman doonto maalin maalmaha ka mid ah in dumarka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuur ku dhex wadi doonaan Boqortooyada Muslimka ah ee shidaalka soo saarta ayaa waxay tidhi “Su’aasha Ah ma noqon doontaa: Dumarku way heli doonaan xaq baabuur wadida…jawaabtayduna waa haa”. Al Sharif, da’deedu waa 33 jir Khabiir ku ah Cilmiga computer-ka, waxaanay ka shaqaysaa shirkad Aramoco oo soo saarta Saliida, ayaa waxa ay hormood ka ahayd ololihii 2011-kii ay ku doonaysay in xayiraadka muddada dheer dumarka ka saarnayd inay baabuur ku dhex kaxeeyaan Sucuudiga laga qaado.

Saraakiil Sucuudiyaan ah ayaa waxa ay sheegeen in Boqor Cabdala uu soo saarayo go’aan lagu soo afjarayo xayiraadahaasi oo caqabado bulsho ku haya dalka ay ku nool yihiin 28ka Million ee qof.