Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Imaciil Geedi Xareed: “Waan ku kalsoonahay inaan doorashada kaga guulayso xisbiga Ismaciil Cumar Geele”

geediWaraysi xiiso leh oo Hogaamiyaha Mucaaradka Jabuuti siiyay shabakada Radio Cadeed oo maanta la sii daayay ayuu Ismaciil Geedi Xareed ku sheegay inay ku kalsoonyihiin shacabka Jabuuti aminsan yihiina inay doorashada barlaamka ee february 22-keeda dhacaysa ku guulaysan doonaan.

Ismaciil Geedi wuxuu cadeeyay inay gudbiyeen magacda musharaxiinta mucaaradka uga qaybgalaysa doorashada barlamaanka oo dalada Mucaaradku oo ka kooban dhowr xisbi ay ku ordayaan magaca USN oo micnihiisu yahay Ururka Badbaadada Qaranka.

Mucaaradku waxay la tartamayaan dhowr xisbi oo ka mid ah aqlabiyada madaxweynaha (UMP) oo uu ugu tun waynyahay xisbiga RPP oo ah xisbiga Madaxweyne Geele oo ah xisbiga talada haya taniyo 1979-kii wakhtgaas oo dalka lagu soo rogay inuu xisbi kaliya yeesho, xeerkaas oo la qaaday 1992-kii oo dib loo ansixiyay in dalku yeesho axsaab badan. Hoos ka dhagayso waraysiga Mudane Geedi:

 

Xeegonews

Source: Cadceednews