Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaadii kooxda al-Shabaab

timthumb.php(Xeegonews.com)-Saraakiisha milateriga Kenya ayaa sheegay in aysan kala xaajoon doonin Al-Shabaab la heystayaal u dhashay dalkeeda, kadib markii Al-Shabaab shaacisay inay dili doonaan hadii aysan Kenya sii deyn dad Muslimiin ah oo xabsiyadeeda ku xir xiran, kuwaasoo loo heysto eedo la xiriira Argagixisinimo.

Afhayeenka Milateriga Kenya Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in maxaabiista ay soo bandhigeen Al-Shabaab aanay aheyn maxaabiis dagaal, isagoo xusay in aanay marnaba kala xaajoon doonin sii deynta kooxo argagixiso.

Shalay ayay aheyd markii Al-Shabaab ay soo bandhigeen muuqaal ay ka soo muuqdeen lix nin Kenyan ah, kuwaasoo ay u qabteen muddo saddex todobaad in Kenya xabsiyadeeda ka sii deyso dad muslimiin u xir xiran, iyadoo Shabaab ay sheegeen hadii la sii deyn waayo ay dili doonaan 14-ka Febraayo.

“Kenya lama xaajooneyso kooxo dambiilayaan ah. Al-Shabaab waa koox argagixiso”ayuu yiri Afhayeenka Milateriga Kenya Col. Cyrus Oguna.

Col. Oguna ayaa sheegay in afar ka mid ah la heystayaasha Al-Shabaab soo bandhigeen aanay ka tirsaneyn Ciidamada Kenya, isla markaana aanay aheyn maxaabiis dagaal, kadib markii Al-Shabaab ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada Kenya.

Sidoo kale Xoghayaha joogtada ee wasaarada arrimaha dibada Kenya Thuita Mwangi ayaa sheegay in siyaasada Kenya aanay ku jirin in lala xaajoodo kooxo maleeshiyo oo argagixiso ah, isagoo tilmaamay in aanu fiirsan muuqaalka ay soo bandhigeen Al-Shabaab.

Kenya ayaa dad badan u qab qabtay qaraxyadii ka dhacay dalkeeda iyo qaraxii sanadii 2010 ka dhacay Kampala, kuwaasoo ay u xir xirtay dad lagu eedeynayo inay abaabuleen qaraxyada galaaftay nolosha dad ka badan 70-ruux.