Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kursiga Cabdiraxmaan Saylici Noqonwaa Mid Xaqa Gadabuursi Ku Lumo

saylici2Waagii baryaaba waayahiisee, xurgufta aarinta Saylac waxay muujisay in dib u dhaca siyaasadeed ee Gadabuursi tirsanaayo inuu ka masuul ahaa laftiisu, waxaana u daliil ah qaabka madaxda sarsare ee Awdal/Salal/Gabiley ka soo jeedaa ay u maareeyeen “arrinta Saylac”.

Ka dib markii Axmad Siilaanyo mawqufkiisa u bandhigay Cabdiraxmaan Saylici, madaxweyne ku xigeenku wuxuu si cad oo geesinimo leh gaashaanka ugu dhuftay taladii Siilaayo soo hordhigay. Ka dib Siilaanyo wuxuu Cabdiraxmaan Saylici u diray ergo shan wasiir ah oo ay isku beel yihiin madaxweynaha. Cabdiraxmaan Saylici sidiisii ayuu markale gaashaanka ku dhuftay ergadii Siilaanyo isagoo markale ku celiyay inuuna marnaba yeelayn codsiga Siilaanyo ka suurtoobay.

Cabdiraxmaan Saylici wuxuu sidoo kale go’aankiisa ka wargeliyay siyaasiinta kale ee Awdal/Salal/Gabiley isagoo Saylacna u diray siyaasiin saddex ah oo halkaa beesha cabaynaysay runta ugu sheegay. Kooxda saddexda ah ee Saylac joogtay, siyaasiinta kale ee Hargaysa joogtay iyo salaadiinta Boorama joogtay waxay lahaayeen xidhiidh joogto ah oo lagu balansanaa in la adkeeyo diidmadii Cabdiraxmaan Saylici ku adkaystay.

Dhinaca kale, kacdoonkii shacbigu gaar ahaan dhalinyaradu wuxuu ahaa mid ka turjumaayay dareenka dadweynaha shikina kuma jiro in kacdoonkaasi ahaa mid asal ahaan mawqufka Cabdiraxmaan Saylici shidaal u ahaa, waayo way ka warqabeen in madaweyne ku xigeenku ganafka ku dhuftay codsigii Siilaanyo. Taasina waa dhacdo curad ah oo ka turjumaysa in hadba ficilka ay siyaasiintu muujiyaan inuu saamayn ku leeyahay shacbiga ay ka soo jeedaan. Waana kacdoonkaan ku dalbaynay maqaalkayagii magaciisu ahaa: “Come on Borama, Please Stand up”.

Ka dib shaqaaqadii ka dhacday Boorama iyo kacdoonkii shacabka, waxaa timid in ergadii Hargaysa jilbaha lays dhigo. Halkaa wixii ka dhacay waxay ahayd wax Beesha dhexe u noqday cashar cusub oo marnaba ayna u fadhiyin horayna ay uuga baran Boorama.  Salaadiinta Gadabuursi garnaqsigoogii wuxuu noqday mid xaq ah oo qaawisay ergadii Siilaanyo soo dirtay gaar ahaan xubnihii beesha dhexe ee uu horkacaayay odey 100 jir ah, waa Cabdi Waraabe.

Odey madasha fadhiyay siduu noo xaqiijiyay Salaadiinta Gadabuursi may warwareegin, waxayna ergada taabsiiyeen talada wayda ah ee beesha dhexe kula soo dhiiratay Gadabuursi . Hadalada Suldaan Dhawal ku dhirbaaxay ergada Siilaanyo ayaa noqotay waran samay adag oo Cabdi Waraabe galalooti u riday. “Boqol jir inuu magan ii yahay sheegtay, kuna baanay inuu sharciga jeexjeexo waa ii kow”, waa ereyada Cabdi Waraabe cumaamada ka tuuray, kana soo yeedhay Suldaan Dhawal oo sidii libaax dhaawacan u xumbaynaaya. Garnaqsi iyo wax sheega saddexda Suldaan Samatar, Wabar iyo Dhawal madasha ka bandhigeen waxay ahayd mucjiso dhagaha u toosisay niman waxkale u soo waysaystay.  waxaa ku jirtay hadalo aan weligood Beesha dhexe laga hor odhan, waxaana ka mid ahayd ereyo toos u weerarray Wiilka Ina Biixi kana soo yeedhay Suldaan Dhawal oo kalmada mujaahid ee loogu yeedho Ina Biixi si gaara uga hadlay. “ Midna noqon maayo mid iskuulada lagu dhigto, midna noqon maayo kii dulmiga waday”, ayaa ka mid ahaa ereyada lagu toogtay Ina Biixi.

Si kastaba ha ahaatee, madasha lagu wada hadlaayay waxaa joogay Cabdiraxmaan Saylici oo indhihiisa ku arkay inay ka dambeeyaan salaadiin horey hiil u wayday balse hawshooda iyo xilkooda khabiiro ku ah. Cabdiraxmaan Saylici habeenkaas taash weyn ayuu xidhay, kalsoonina Boorama wuu kala tagay inkastuu isagu lahaa jawiga keenay inay Salaadiintu doobiyaan. Sida raganimada leh ee Salaadiintu hadalada iskaga daba mareen waa mid Cabdiraxmaan Saylici u muujisay in Salaadiintu hawshooda ka soo dhalaali karaan haddii ay helaan siyaasiin ay kaashadaan.. Maxaa inoo cadaatay hadaba?

Waxaa inoo cadaatay in dhibaatooyika siyaasadeed ee ina soo gaadhay iyo sadbursiga beesha dhexe sobobteeda ay lahaayeen siyaasiintii Gadabuursi ee safka hore ku jiray taniyo intii Somaliland la aas-aasay. Waxaa inoo cadaatay in marka danta guud la weeraro inaan leenahay Salaadiin garaad iyo karti Ilaahay ku manaystay. Halka sartu ka qudhmaysay waxay ahayd dhinaca siyaasiintii hore oo awoodi waayay inay kaashadaan salaadiinta marka la soo qaado arrin khusaysa danta guud iyo aayaha. Cabdiraxmaan Saylici maanta ta ka suurtoowday waa tii horey uga suurtoobi wayday Rayaale oo jagada ugu saraysa dalka ka qabtay.

Matalan maalintii kuraasta golaha wakiilada la qaybsanaayay Rayaale isagaa wax maaraynaayay. Suldaan Sheekh Muuse oo Rayaale aad  ay iskugu dhawaayeen ayaa kula taliyay inuuna tolka 13 kursi u qaadin, diidana inuu saamigaa quudhsiga ah gacantiisa ku saxeexo. Rayaale ma dhagaysan Sheekh Muuse. Waa arrintii keentay inuu Sheekh Muuse go’iisa ka qaato Rayaale agtiisa. Maalintaas jabkii u weynaa ee siyaasadeed ayaa Gadabuursi gaadhay.

Hadduu Rayaale sida Sheekh Muse kula taliyay yeeli lahaa amba sida maanta Cabdiraxmaan Saylici yeelay ka suurtoobi lahayd, waxaa dhici lahayd in arrintu ku soo wereegi lahayd madaxdhaqameedka Gadabuursi oo siday maanta u hadleen iyo si ka daran u hadli lahaa, ileen waliba Sheekh Muusoo garta macalin ku ahaa iyaa noolaaye. Xasuusnaadana in dhibta Saylac gacanteena aan ku samaynay markuu Rayaale Salal gacanta u gashay reerka maanta cabanaaya. Tii Saylac dhamaatee, tii Gabiley ee Rayaale reer kaliya u salaxay iyaa xalkeedu weli hadhsan yahay iyo miinooyin tiro badan oo weli aasan.

Sidaa awadeed, gartu Allay taqaanaaye, guusha maanta soo hoyatay waxaa keenay Cabdiraxmaan Saylici oo muujiyay inuuna qaadan Karin wax dhabarjab ku ah dadkii soo doortay iyo dadkuu matalo. Cabdiraxmaan Saylici wuxuu cadeeyay inaan jagadiisu noqon Karin mid lumisa xaqa Gadabuursi, sidii kii ka horeeyay ka suurtowday.

Raganimaduna waxay ku jirtaa in la qiro Siyaasiga waajibkiisa guta een kursiga uu ku fadhiyo ilowsiin danaha guud ee dadkiisa. Haddiise kii inoo hiiliyay iyo kii inaga hiiliyay maqaam wada joojino, horey u talaabsan mayno, miinooyinka aan horey gacmaheena ugu aasnayna soo fiqidoodu way inagu adkaan. Iskuduubniduna runtoo laga dhawaajiyo oo lagu dhaqmo ayaa fure u ah.

Wadhaf News Editorial

news@wadhaf.com