Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxwayne Hassan Sheekh oo ka hadalay Arin Muhiim.

hassaMadaxawynaha jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiiq Maxamuuda ayaa sheegay in masuulyiinta ugu sareysa dalka aan wax is qab qabsi ama qilaaf uusan ka dhexeenin.

Madaxawyanaha waxaa uu sheegay in sedexda masuul ee ugu sareysa dalka ay saaxiibo yihiin islamarkaana ay saxiibo ku yihiin danaha umada soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxwaynaha waxaa uu ka hadlay doorka ay saxaafada ay bulshada kuleedahay wuxuuna sheegay in ay tahay indha iyo dhegaha bulshada Soomaaliyeed isagoona sheegay in dowladiisa ay ahmiyad siinayso saxaafada.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay Damaanad qaadi doonaan Ammaanka Saxaafada oo ay ka xun yihiin dilalka loo geysanayo, waxaa uu saxaafada qaarkeed ku tilmaamay kuwo aanan ka run sheegin xaqiiqada ka jirta dalka iyo dadaalka Dowlada Soomaaliya, isagoo uga digay inay iska ilaaliyaan wax weliba oo keeni kara iska horkeenka dadka Soomaaliyeed iyo waxyaabaha wax u dhimiya dalka.

Hadalkaani ayuu madaxawynaha ka sheegay kulan lagu taageeray hormarka siyaasadeed ee uu madaxawynaha ka hooyay qaar ka mid ah wadamada caalamka oo ay ugu horeeso aqoonsiga ay aqoonsatay dowlada Soomaaliya.