Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxwayne Kuxigeenka JSL, Waxqabadkiisii Buu Cod Doorasho Kaga Raadsanayaa, Dhigiisu na Dal Barad & Dalxiis Kujiriraan. ABDISHAKUR GANDE ====

Madaxwayne kuxigeenka dalka oo ah murashaxa madaxwayne kuxigeen ee xisbi xaakimka kulmiye taasi na waa quwad uu xisbigu dheeryahay xisbiyada kale waa na furaha libinta… waayo, waa masuul aan dalka ku cusbayn oo waligii qaranka usoo shaqaynayay oo leh sooyaal waxqabad kusudkan dalku na ka dhaxlay waxqabad waara oo horumar ah sida kusudkan dhiganaha sooyaalkiisa.
Sidokale, waa madaxwayne kuxigeen todobadii sano ee u danbeeyay gadhwadeen xigeen dalka kasoo ahaa .  Wuxuu na ku suntamay hogaamiye wanaagsan oo shacabka wada kasbaday oo mararkii dhawrka jeer ahaa ee qiimaynta shakhsiyaadka somalilaan la sameeyay loo aqoonsaday haldoorka “Shakhsiyaadka saamaynta wanaagsan”

Todobada sano, ee talada xukuumada  xisbi xaakimka kasoo ahaa madaxwayne ku xigeenka wuxuu ku tilmaamay tiir horumar, oo laga dhaxlay tallo wanaagsan iyo mashaariic tayo leh oo horumarineed waa na mida waxyaabaha uu maanta na codka marlabaad ku kasbanayo.

Isku  gaynayooo
Isla   garanayooo
Guushi wa kulmiye

Mudooyinkii u danbeeyay madaxwaynaha jsl wuxuu marar badan fagaaraha ka sheegay in aanay taariikhdu madaxwayne wanaagsan ku tilmaamteen xukuumadiisu na waxqabad ka tagi lahayn hadaanu madaxwayne kuxigeen cabdiraxmaan saylici kuxigeenkiisa ahaan ahayn.

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna murashaxa madaxwayne, isna xiligii uu ugadhex tartamayay (November 2015) golaha dhexe murashaxnimada madaxwayne nimo ee xisbiga kulmiye mar ay siyaasiyiin badan muuse biixi gaargaar uga dalbadeen in uu ku gacan qabto murashaxnimo madaxwayne kuxigeen oo ay siyaasiyiintaasi damacsanaayeen balse uu muuse biixi xiligaa uu meel fagaare ah jawaabtan kaga qanciyay “Cabdiraxmaan Saylici waa furihii horseeday guushii kulmiye ee doorashadii 2010, maanta na waa furaha guusha doorashadan, aniga na isagaa iwata”.

Abaal dhagaxbaa gudine
Talladda kuu dhiibanee
Allow dhanka fiican iyo
Dhabada kharkale kumari

Sikaste ha ahaatee, waxaa marag madoon ah in saylici lixda gobal iyo degmooyinkooga ba uu cagta dhigayo kaambaynkani isagoo codkooga kaga raba waxqabadkiisii iyo barnaamij siyaasadeed ee qorshaha danbe hadii rabi raali kanoqdo. Halka murashaxiinta madaxwayne kuxigeeno ee xisbiyada kale xataa aanay wada arag degmooyinka gobalka awdal oo kaliya.

Abdishakur Gande

0634200882           0634454882
Gandeabdishakur@gmail.com
Boorama, Awdal soomaalilaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *