Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne xil ha ugu dhiibin ummada 4 tii nin ee aan sahanka loo dirsan jirin dhamaantoodna xil u wada ordaaya maanta !!.Dr.khadar-Libaaxley.

Hambalyo , Duco iyo dardaaran ayaan halkan ugu soo gud binayaa madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka qaranka ee Nov-13 -2017 somaliland loo doortay.

Abwaan c/raxmaan cumar cashuur wuxu yidhi:

Tuducyo ka mid ah gabaygiisii xikmada weynaa ee uu ugu magac daray isweydaar.

“ Barigii irmaaneeye iyo aar laga cabsoodo
Midwaliba halkiisa ogolaa inan rag qiimeynta
Ayey lumin daraadeed kuwii awrta ku xidhiidh-sha
Geediga La odhan jiray, mar haday iskuulada
Wada galeen waa wada aqoonyahan e’ marse
Hadaan garaad meesha ool af uu bartaa ruuxu
Waatii aw ibraahin yidhi ood ka rogi waaye’
Hadh ka yaac aluubiyo ha dhaqan diir aduubo leh
Caqliga irko Buug buug sitaa malaha iidaan e’ ””.

Dhulka marka aad afartiisa dacal sifiican u bogoto waxa aad arkaysaa in ( wajiga dhulka ciid iyo dhagaxaan badan dul taalo, halka dhagaxaanta qiimaha iyo qaayaha leh ee macdanta sare ah ay jiraan dhulka hoostiisa); ujeedadu waxa ay tahay dhawaan dawlad ayaa la soo dhisayaa ( guriyaha madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenkaba waxa dhooban oo buux dhaafiyey xill doonka inan rag ( irmaaneeye iyo aar laga cabsoodaba leh ); sax waxa illa ah xulasho xumi gadaal bay ku qomameysaaye waa in hawsha yaa u ehel ah oo loo xidigiyaa ,loo dhaqan dayaa cida ummada sahanka loogu diraayo .

Siduu dhaqanku ahaa reeruhu marka ay rabaan in meel ka guuraan oo ay meel kale u guuraan ka hor waxay dirsan jireen sahan; sahankana looma diri jirin 4 tan nin ee hoos ku qoran mid koodna:-

1. sahan gandood ( waa nin meel madhan buuxiye ah ama looma aayaan wax matare ah).

2. Saba amaan ( waa nin jabiye ah ama hungo iyo lugooyo u horseeda cid walba).

3. siiga raac ( waa nin aan ra’yi , aragti, shir iyo shawr toona la hayn oo cid waliba waxay ku tidhaahdo HAA, HAYE iyo WAA SIDAA khayr iyo sharba iska raaca ee aan la hayn halbeeg aragti dheeri saxa iyo khalad ku kala raaci karo.

4. sahan waraabood ( waa nin ma hunguri xun oo ma dharge ah, ama jin caydh ah la socdo oo wax walba carabka marinaaya suuragalna ay tahay waxtar kiisa in ay wax yeeladiisu ka badantahay ).

Gunaanad :

Madaxda la doortay waxa aan illaahay uga baryayaa in uu ku asturo, u fududeeyo masuuliyada ay ummada reer somaliland u qaadeen; waxa aan kula talinayaa in ay u meel dayaan xubnaha ay ummada u igman doonaan iyaga oo ka shidaal qaadanaya xeerka dhaqankeenii oo waliba ka digtoon 4 taa nin ee kor xusan ee aan midkoodna waxba loo dirsan jirin, raga noocaa oo badan iyo rag labkii oo tiro yariba wey isku dhexjiraan oo ma hawl yara sida loo kala aqoonsan karo waxsaarka waxa leh isweydaarka yoomka iyo xilliga kala aqoolkiisa , isku milanka nolosha magaalooyinka ee maanta.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *