Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaad Kala Socotaa Magacaabista Gudida Ololaha Doorashada Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal iyo Dareenada Ku Xeeran !!!!!!

Boorama (Xeegonews.com) Tan iyo intii la soo magacaabey xubnaha gudida ololaha xisbul xaakimka ee gobolka Awdal, ayaa waxa soo ifbaxaya dareeno iyo aragtiyo ka soo maaxanayaa fikridaha bulshada gobolka Awdal kuwaasi oo tibaaxaya maasuuliyiintan loo magaacabey gudida ololaha xisbul Xaakimka talada haya Kulmiye Gobolka Awdal ayaa muuqda kuwo ay suaali ka taagan tahey? Ujeedad loo magacaabey sida ay uga midho dhalin lahaayeen ololaha doorashada madaxtooyada Soomaliland ee gobolka Awdal .

Marka loo eego hawsha hortaala iyo baaxada ay leedahey oo la odhankaro wey ka miisaan culus tahey ololayaashii hore Doorashooyinkii hore

Hadaba aragtidada dadweynaha gobolada galbeedka Soomaliland ka Qabaan Gudidaasi ayaa waxey tibaaxeysa Sidan Tan .

Dadweynaha Qaarkood waxey u arkaan gudidan in badankoodu waa ayo aragnimo u laheyn hawlaha loo soo magaacabey eek u taxaluqa doorashada madaxtooyada Soomaaliland sidaasi darteedna aaney wax guulo ah xisbiga u soo hoyn doonin .

Halka qaarkoodna lagu tilaamo in yihiin xubno saaxada siyaasiyada cusub oo saameyn iyo waxtarku laheyn bulshada dhexdeeda mana aha xubno lagu dhex arkey fagaarayaasha Siyaasada taasoo meesha himilooyinkii xisbiga Kulmiye ka lahaa gobolada galbeedka Soomaliland .

Dhinaca kale dadweynaha qaarkood waxey u arkaan kuwo inta badan ku yimid nin jecleysi qaraabo kiil iyo wax isdaba marin ,isla markaana ay ku adkaan doonto sidii ay iskula jaan qaadi lahaayeen iyaga dhexdoodu

 

Sidoo kale halka dadka tiro yari ay arrintaasi la dhacsanyihiin oo soo dhaweynayaan xubnahaasi gudida ololaha doorashada madaxtooyada gobolka Awdal kuwaasi oo aragtidooda aaney ka maqeyn dano gaara iyo hayb qabiil

Geesta Kale dadka qaarkood oo ifaafalaha odoroska siyaasaded ku taxtaagaayina ay aaminsaniyiin shaqsiyaad loo magacaabey ololaha doorashada madaxtooyada Xisbiga Kulmiye gobolada galbeedka marka laga yimaado waxqabadkooda iyo waxqabad la’aantooda waxey aaminsanyihiin in ay horyaalaan Lix qodob kuwaasi oo ku jiheysan ololaha doorashada madaxtooyada ee xisbiga Kulmiye markale ka bilaabmi doono gobolada Awdal iyo Salal

  1. In gobolada galbeedka Soomaliland ka Jiraan shaqo l’aan ku habsatey dhalinyarada gobolada Awdal iyo Salal oo Qaarkood Tahriibeen kuwaasi oo horey xisbiga kulmiye ku jirey balan qaadyadiisii hore ee uu ololaha ku soo galey balse aaney waxba ka qabsoomin
  2. Dadkiiku barakacey abaaraha ee ku nool gudaha gobolada galbeedka soomaliland oo qaadhaan loo ururiyey kaasoo ilaa hada aaney dadkii waxba la gaadhsiin oo la ildaran diif iyo darxumo ku habsatey
  3. Sixir bararka karaaha jabiyey ee naafeeyey bulshada danyarta aheyd ee gobolada galbeedka Soomaliland taasi oo xukuumada xisbiga Kulmiye u caalweydey waxka qabashadiisa iyo xakimeyntiisa
  4. Madaaarka ku yaala magaalada Boorama ayaa isaguan ka qayb ah caqabadaha adage ee horyaala ololaha doorashada madaxtooyada xisbiga kulmiye ee la xidhiidha gobolka Awdal ,halka kuwa kale gobolada dalka laga dhgey kuwo heer Caalmiya Dhismayaashooda ….
  5. Duulaankii iyo dhul balaadhsigii beesha sacada muuse eek u adanaaa lixda gobood  ka tirsan gobolka Awdal oo loo tirinayo  in uu xisbiga Kulmiye dhaqdhaqaniyey xukuumad garab iyo gaashaan kaga helayey
  6. Cashuuraha Madaxfurashada ,daabulid kheyraadka iyo qaniimada Sid,Kalluunka ,Ciida, iyo Macdanta Kale

Si kastab ha ahaatee ololaha kulmiye ee ku aada gobolada gabedka Soomaliland waa mid culuskiisa iyo saameyntiisa leh

Hadaba waxey isweydiintu waxey tahey ayaa gudan kara waajibaadka iyo xilka uu xisbiga kulmiye

Waxa kaloo isweydiin mudan xubnahani magacaabitooda qalinka lagu duugey ma yihiin kuwo ka soo bixi kara ololaha baaxadaasi leh ? iyo caqabadaha Adag ee Horyaala ?

 

Isku soo wada duuboo wali xisbiga kulmiye ma Abaarin dadkii dheylahaa boogaha gunaadka noqdey ee bulshadu dareenkoodu ku xidhanyahey ,ee waliba afkaarta iyo mabaadiida xisbiga kulmiye ku shubi laheyd quluubtooda !!!!!

Wariye Ayaanle Siciid Cabdi

Xeegonews.com

Boorama /Awdal

Office Soomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *