Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaad Kala Socotaa Sida Beesha Makaahiil uga Sad Bursatey Xilalka Wasaaradaha Dawlada ee Gobolka Awdal Beelaha Maxamed iyo Habar Cafaaan !!!!!!.

Boorama (Xeegonews.com) Labadii cisho ee u dambeysey waxa magaalada Boorama laga dareemeyey guux iyo kala qaybin la kala soocayo beelaha oodwadaagta ah ee wada degan Magaalada Borama ee caasimada gobolka Awdal .

Ka Dib markii xukuumada Soomaaliland xilkii ka cadhisey iskudwyaal dhawra iyo maamulaayaal ka tirsan shaqaalaha dawlada gobolka Awdal .

Hadaba Beesha Makaahiil ayaa Sadbuursiimo xoogan ku heysata xilalka gobolka Awdal ,halka labada beelood ee kale Beelaha Habar Cafaan iyo Maxamed Case  haystaan xilal aan tiradoodu dhaneyn 10 xil oo kaliya .

Hadaba Xilalka wasaaradaha Dawlada ee gobolka Awdal waxa ugu Badan oo Heysata Beesha Makaahiil Halkan ka Ogaw Liiska .

Beesha Makaahiil

Magaca Masuulka            Xilka Haybtiisa
1. Mustafe Cabdi Ibrhim Wasaarada Duulista iyo Hawda Makaahiil
2 Muuse Daahir Wasaarada Cadaalada Makaahiil
3 Dr. Bulbul Du

caale

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Malaahiil
4 Maxamed Aw Cali Caateeye Wasaarada Warshadaha Makaahiiil
5 Maxamed Suldaan Wasaarada Beeraha Makaahiil
6 Daahir Ahmed Qaloombi W/S Deegaanka iyo Reermiyiga Makaahiil
7 Sheekh Xaamud Ahmed Nadiif W/S Diinta Awqaafta Makaahiil
8 Cumar Cadaawe Nuqul Haayada Quality Conrtol Makaahiil

 

9 Faysa Sheekh Siciid W/S Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Makahiil .
10 Abdirahmaan Abtidoon Wasaarada Qorsheynta Qaranka Makaahiil
11  Cabdiraxmaan Xuseen Sh. Cali Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Makaahiil
12 Ayaanle Cabdirahmaan Ibraahim Wasaarada Dalxiiska iyo Dhaqanka Makaahiil
13 Cabdiqaadir Sh. XuseenShaashka Haayada H/V Sonec Makaahiil
 14 Sheekh Maxamed Siciid Saaweer  Gudoomiyaha Maxakamada Racfanka  Makaahiil
15 Ilyaas Gudoomiyaha Cashuuraha Bariga Makaahiil
16 Ina Sheekh Abdilaahi Muuse Gudoomiyaha Bankiga Makaahiil
17. Dr.Ismaaciil Xaaji Muxumed Aye Agaasimaha Cusbitalka Boorama Makaahiil

 

Beelaha Habar Cafaan Gadabuursi

Magaca Masuulka Xilka Haybtiisa
1 Jeeke Cismaan Ciye Gudoomiyaha Waxbarashada Habarcafaan
2  Cabdiqani Muue Jaamac Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Habar Cafaan
3 Kulmiye Maxamed cismaan Wasaarada Hawlaha guud iyo Habar Cafaan
4 Idiris Xasan Dari Wasaarada Maaliyada Habar Cafaan

 

BeeLaha  Maxamed Case Gadabuursi

Magaca Masuulka Xilka Haybtiisa
1. Abokor Xasan Caafi W/S Warfaafinta Maxamed Case
2. Dr.Mustafe Muumin W/S Caafimaadka Maxamed Case
3. Abdiqaadir Awfarxaan W/S  Dib u Dajinta Maxamed Case
4. Wihiib Dayib Ibrahim W/S  Ganacsiga Maxamed Case
5 Xasan Siciid Guuleed W/S  Ciyaaraha Maxamed Case
6.

 

Intaasi Ka Dib marka laga yimaado sadbursiga xukuumadeed ee ka Heyso gobolka Awdal ayaa waxa beeshani iyo masuuliyiinta xukuumada ee xilka ka haya olole qaawan oo xukuumada lagu ridayo gobolka Awdal ka Wadeen ololihii doorashada madaxtooyada Soomaaliland ,kuwaasoo qaadhaanka ugu badan ku bixinayey xisbiga mucaaridka wadani ,iyagoo sheegey in afka ciida dhulka u galiyeen Xisbiga Kulmiye ,Balse talaabooyinkaasi waxey xukuumadu qaadey talaabooyin kale oo Xukuumada Xilalka gobolka Saami saxa loogu qabinayo beelaha gobolka Awdal Degan ,kuwaasi oo xilal dhawra laga qaadey beesha Makaahiil.

Waxeyna u muuqataa in talaabooyin kale in xukuumadu indho qundhaanjo ku heyso saamiga beelaha gobolka Awdal ee loo kala Sadburiyey taasi si xawliya u socdo badalka xilalka beesha Makaahiil isku cimaamadey hogaanka xariirta ah iyo Kuraasta Dheefta leh .

Wariye Ayaanle Siciid Cabdi

Senior Editor

XeegoNews.Com

Boorama

Contacta Email .Ayaanle 670@hotmail.Com

`

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *