Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxamed calow isku casil lexejeclo haday reer Awdal kaa hayso sababta danta Dhismaha dariiqa Borama illaa Djabuuti ee kulmiye u qorsheysan!!Dr.khadar-Libaaxley.

Rag uu ka dhexeeyo geel Haday kala geeyo damac Waxa isku geysa dan eh Allow garansii nin moog.

Maansadani waa tuducyo kamid ah maansadii gurmad raxmatulaahi calaa abwaan gaariye.

Dan buu reer guuraa, sida ooddaba loo guro sida ay u kala sareyso ; danaha ay ummadi isku raaci karto waxa kamid ah ( dano isir wadaag ama dano deegaan wadaag) ha ahaatee had ba danaha xilli oogan ayaa kala qiimo iyo darajo sareeya!! reer Awdal mar waa isir wadaag, markalena dhamaantood waa deegaan wadaag !! sax iyo dheeraad waxa ah in ay mudnaanta koowaad siiyaan ( hirgalinta iyo meel uga soo wada jeesadka danta qofkasta oo reer awdal ah si siman uga wada faa’idaysanayaan abb ka abb)!!.
Danta dhismaha dariiqa isku xidhaya ( Borama illaa Djabuuti ) waa dan ay u wada baahi weyn u qabaan dhamaan reer awdal iyo guud ahaan reer somaliland iyo reer Djabuuti, waa dan fududeynaysa isku socodka bulsho weynta deriska ah dhamaan, waa dan kobcinaysan, kor u qaadaysa dhaqaalaha iyo heerka nololosha ee ummadahaasi somaliland, Djabuuti iyo ethoipia; ( baaxada iyo muhiimada dantaasi leedahay waxa garawsaday oo garwaaqdasay xisbul xaakimka kulmiye, afka oo kaliya kama odhane xataa waxa uu qormo ahaan qorshihiisa ugu darsaday 5tan sanno ee foolka ina soo saaray hadii uu rabi guuleyey!! dantaasi cida koowaad ee ay waxtar u leedahay waa qof kasta oo reer awdal ah; sax iyo dheeraad ama waajib waxa ah hindisaha qorshahaasi in xisbiga kulmiye lagu ayido oo la isku bar-bar taago ( dhamaan qof kasta oo gobolka ka soo jeeda ama raba in uu soo dego) si uu u hirgalo dariiqaasi 5ta sanno ee soosocota bi’idni laahi.

Buuga xisbiga wadani qorshaha 5ta sanno ee soosocota ( Awdal iyo Salal uguma taalo in uu irbad dun u galinaayo !! illa akhriya mudanayaal, ma hafraayo mana nusqaaminayo himilada xisbiga wadani , kaliya danta reer dadweynaha reer awdal ayaan toosha ku ifinayaa) xisbiga ucidna hadalkiiba daa!!.

Gunaanad:

Musharax maxamed cali waxa uu reer awdal ugu yaboohinayaa( qayrkiin iyo qayr xigeenkiinba ka hadha ) musharax c/raxamaan c/laahi ismaaciil saylicina waxa uu reer awdal ugu yeedhayaa ( gaadha qayrkiin oo hiigsada hirgalinta himiladiina iyo tan reer somaliland); waxa aan u soo jeedinayaa Amb. Maxamed cali iyo dhamaan taageerayaashiisa reer awdal meel ay joogaan ba ( in ay iska casilaan xisbiga wadani oo ay isku casilaan dantooda, danta dadweynaha reer awdal oo ah danta dhismaha dariiqa Borama illaa Djabuuti isku xidhaaya, dantaasi oo haloosigeeda iyo hirgalinteeduba ku caddahay qorshaha waxqabadka Awdal 5tan sanno ee soosocota oo uu xisbiga kulmiye balan qoran ku qaaday bi’idmi laahi; taasi oo dhigiisa xisbiga wadani ka madhanyahay waxqabad qoran dhanka Awdal buul-casna allaha ka yeelee!!; mudane amb. Maxamed iscasilaad aad musharaxnimadaada iyo xisbiga wadani aad kaga go’aan qaadato waxa aad yeeli kartaa oo kaliya hadii lexejeclo iyo isdaba-qabatayn wax uun kugu hadheen oo aad u daneynayso danta dadweynaha reer awdal; waxa aad markale isku casishaa mudane amb.maxamed sababta aanad horey awdal iyo reer awdal xataa aanad irbad dun ugu galinin danahaaga gaarka marka laga yimaado, hadii aaney lexejeclo kaa hayn oo jiidh kuugu oolin oo aanad dan iyo muraad ka la hayn adiga iyo taageerayaashaadu dariiqa BORAMA IYO DJABUUTI isku xidhaya dhismihiisa waa hadaad fursadaa foolka soo leh ee kulmiye ku dhiiraday aad indhaha ka fureysataan adiga iyo taageerayaaduba.

Waxa aan jeclahay adiga iyo taageerayaashaadu in aad xisbiga kulmiye ku soo biirtaan, awdal oo dhan la mideeyo, xilkan ku xigeenka ah ee joogtada noqday si aaney jiilka kacayaayiyi u aaminin ku xigeen mooyee waxkale uba gayin , taas waa muhiim in aad ka kortaan dhalinta hankoodana ka korisaan, waa muhiim in reer awdal la mideeyo, oo madaxnimo ay dhexdooda kaaleysi ku heshiiyaan isla meeldhigaan isla mar ahaantaana u diyaar garoobaan; jeegaan siyaasadeed ama iskaashi siyaasadeed ay la sameystaan ( awr-qaad) reeraha kale ee somaliland tusaale ahaan saddex haku noqdaan reer awdal jeegaanka hada u dhexaysan ( habar Awal iyo Habar jeclo oo reer awdalna haku 3dexeeyaan si dhanka kalena u abuuranto jeegaan lamid ah oo ka kooban Arab + Garxajis iyo Harti ; sidaasna wadaag iyo hab qaybsi kaaleysi ah looga galo xillalka madaxweyne iyo ku xigeen hab tallantaali ah, oo had ba reer loo raro, markaasi ayuu tartanku qurux yeelanayaa; qurux iyo qaayo malaha mana kordhinayso in reer awdal la soo jiifaan ku tartamida kaligood xilka madaxweyne xigeenka, oo ay dhici karto in aan ku qiimeeyo xillkaas ( manxiis caroos, sababta uu manxiis xillkani u yahay waa magaca xukuumada oo dhan waxa uu u dhacayaa had ba qofka madaxweynaha ah) ma mudna in reer awdal isugu uur xumaadaan, ama isku qoonsadaan ama ku kala fogaadaan, xill kaasi gacanta bidix ee guran ah, waxase haboon in ay midoobaan oo ay hiigsadaan iskaashi siyaasadeed oo kabaxsan gobolka iyada oo awdal ay dhantahay iyo hiigsiga meel sare).

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

One Response to Maxamed calow isku casil lexejeclo haday reer Awdal kaa hayso sababta danta Dhismaha dariiqa Borama illaa Djabuuti ee kulmiye u qorsheysan!!Dr.khadar-Libaaxley.

  1. cabaas yare

    2017-11-08 at 20:04

    qaabka qoraalka ayaa kaa qaldan markasad donasaa inad dad ama bulsho wax u sheegto
    yaa akhrin kara bugan dhan lafahaaga maareee

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *