Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MAXAY KA BADALI KARTAA XAALADA AMNI EE MAGAALADA MUQDISHO SAFARKA MADAXWAYNE FARMAJO? Qoralkii : Cabdiraxman Yacqub Xasan

14 October qaraxii gilgilay magaalada muqdisho ka dib dawlada fadaralku waxay samaynaysaa dadaalo aan yaraysi lahayn oo ay rabto inay ku jirid jarto kooxaha xagjirka ah ee Alshabaab . Madaxwayne maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab wuxuuna madaxweynuhu safari ilaa hada ku marayaa dalalka Uganda , Itoobiya iyo jabuuti isagoo ujeedada safarkiisuna tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalkaa uu iclaamiyay madaxweynuhu, Sidoo kale Raysal wasaare Xasan Cali khayre ayaa maanta oo ah 25/10/2017 ayaa safar ku tagay dal turkiga oo ah dal aad ugu dhaw dalka somaliya, ujeedada safarkaa ayaa ah in ay ka cod sadaan dawlada turkiga inay kala qayb galaan dagaalka ay rabaan inay ku jirid jaraan kooxda Alshabaab, Hadaba waxay su,aashu tahay
1. Dawladaha shisheeye maxay ka qaban karaan dhibaatooyinka somaliya?
2. Samayn intee leeg ayay ku yeelan karaan dagaalanka cusub?
3. Xukuumadu qorshe noocma ah ayay u diyaarisay dagaalkan?
4. Qaabkee loo xuli doonaa Hogaamiyayaasha dagaalkan?
Akhristayaal maaha mid sahlan ama fudud in maalin iyo labo lagu gaadho natiijo cad oo ka dhan ah Alshabaab waayo shabaab waxay leedahay saameyn iyo awood fikireed oo ku dhex baahday shacabka soomaaliyeed.
DAGAAL NOOCMA AH AYAA LAGAGA ADKAAN KARAA KOOXDA XAGJIRKA AH EE ALSHABAAB
In loo xidido siibo kooxahan maylka adage e alshabaab waa mid u baahan qorshe iyo xil masuuliyadeed dheeri ah kaas oo ka fog xamaasad ku dhisan go,aamo deg deg ah oo aan sii durufsanayn ama sii fogeyn . Akhriste waxay su,aashu tahay qorshe iyo qaab noocee ah ayaa lagu xidid siibi karaa kooxahan xagjirka ah, Waxaan odhan karaa sidan
TAYAYNTA CIIDANKA BOOLISKA IYO MAAMUL DAADAJINTA LAAMAHA AMNIGA
Tayaynta iyo dhiiri galinta ciidanka booliisku waa hirgalinta iyo kor u qaadida xaalada amni ee dalka io dadka , iyadoo la siinayo aqoon ku saabsan shaqada uu qabanayo iyo sida uu u qabanayo .
Maamul daadajinta laamanaha amnigu waa u mihiim amniga guud ee dalka amnigu uma dulqaadan karo habacsanaan iyo dayaca ku imaada wada shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka, Hadaba iyadoo laga hortagayo arintaasa waa in la sameeyo maamul daadajin dhanka laamaha amniga kaas oo ka bilaabmay heer Qaran , heer Gobol , heer Degmo ilaa heer Xaafad Tirada ka hawl gali doona laamaha amaanka ee heerarka Gobol ,Degmo waxaa lagu qaybin doonaa labo arimood oo kala ah 1. Tirada Dadka 2. Cabirka dhuleed
Maamul daadajintani waxay abuuraysaa xaalad xil iyo isla xisaabtan oo lagu xaqiijin karo hanaan amni oo taabo gal ah kaas oo ku baaha dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay Dawlada Fadaralku
BARNAAMIJKA IS DHEX GALKA LAAMAHA AMNIGA IYO SHACABKA
Sii xoojinta iyodhiiri galinta wada shaqayneed waa mid keensan karta hubin iyo ogaanshaha iyo la socodka isbadalka xaaladaha amni ee heerarka Gobol iyo Degmaba , Hadaba waa laga maarmaan wada shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka soomaaliyeed si loo ogaado laagana hortago kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab. Is dhex galkani waxay fursad siinaysaa in si sahal ah loo xidido siibo kooxaha nabad diidka ah
TAYAYNTA IYO HAWL GALINTA HAY, ADDA NABAD SUGIDA NISA
Hay,addaha sirdoonku waa dhegaha iyo indhaha dhabta ah ee dal leeyahay hanaan kooda hawl galeed wuxuu nimcad iyo nusqaan ku noqon karaa guulaha ay xukuumadi filayso . Hay,adda NISA waa laga maarmaan inay door weyn ka ciyaarto la dagaalanka Alshabab, waxaana la odhan karaa waa daaqad ku banaan xukuumadihii kala ee somaliya.
INTELLIGENCE DEFENSE Waaxdani waa waax ka tirsan hay,addaha sirdoonka waana waax la shaqaysa wasaarada dufaaca qaranka iyo ciidanka qalabka sida waana sirdoonka raadiya xogaha col ee ka soo horjeeda ama la dagaalamaya waxayna hawsheedu tahay
1. Raadinta xogaha ku saabsan ciidanka Tiradooda iyo Tayadooda
2. Raadinta nooca abaabul ee ciidankaa
3. Qorshaha weerar ee ay damacsan yihiin
COUNTER-INTELLIGENCE UNIT “ CIU” sidoo kale waa unug hoos taga waaxda INTERNAL INTELLIGENCE oo u qaabilsan arimaha gudaha . CI waa unug u qaabilsan ka hortaga hawl galada arimaha basaasnimo ee dalka gudihiisa ka samaynayaan hay,addaha sirdoon ee shisheeye . CI waxay door weyn ka qaadan kartaa ka hortaga qaraxyada iyo dilalka abaabulan ee ay soo maleegaan dhagar qabayaasha Aldhabaab
U DIYAAR GARAWGA DAGAALKA ALSHABAAB
Guulaha ciidan maaha kuwo ku salaysan oo qudha awooda iyo tirade ciidanka laakiin waxaa jirta xogo ka qarsoon dadka caadiga ah kaas oo ah nooca abaabul iyo qorshe weerareed ee ciidanku sameeyeen , Hadaba dawlada fadaralka somaliya kuma filna iclaaminta dagaalka al shabaab iyo tagista Aaga hore ee dagaalka. Dagaalkanina guul la taaban karo kama soo hoyn doonaan hadii la samay talaabooyinkan
1. Diyaarinta ciidanka militariga
2. Diyaarinta Zaadka Ciidanku u baahan yihiin
3. Raadinta Xogaha iyo xeeladaha Alshabaab
4. Diyaarinta Qorshaha hawl galeed ee ciidanka

DHAMAAD

Contact
Name : Abdirahman Jacob Hassam
Title : Security Manager
Tell : +252634807177
E-mail: jacobhassam@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *