Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MURASHAX CIRO, HA AAMINO MADAXWAYNAHA DALKA, OO HAKU KALSOONAADO NATIIJADA DOORASHADA ( Abdishakur Gande )

 

DOORASHADOO KALSOONI KU GALNO & NATIIJADO KU QACNACNO QARANIMADEENAY GUUL UTAHAY Abdishaur Gande

Doorashada 2017 waxyaabahay kaga duwan tahay doorashooyinkii hore qodobka uwayn waa murashaxiinta oo midkood na ahayn madaxwayne. halka doorashooyinkii hore midkood madaxwane ahaa taasi waxaa sabab u ah madaxwaynaha xilka haya oo isagoo xaq uleh inuu isasharaxo hadana bixiyay fursada xisbigiisa isagoo noqonaya madaxwaynahii koowaad ee afrika go’aan caynkaasa qaata kuna dhiirada in uu doorasho xor iyo xalaal ah qabto sidadaadarteed madaxwaynahu wuxuu mudan yahay inaynu u aamino siduu kalsoonida inoo siiyay. Hadaynaan go’aankiisa ku cisayn dunida uu horseedka ugu yahay go’aankiisan ku cisayn mayso talaabadan curdinka ah ee uu qaaday waa geed dunidu hadhsan doonto midhahiisa na inagu guran doono markaa inaynu jarno ma aha ee waa inaynu jalno/waraabino si’uu u baxo.

Tixraac:-
1993 Mdxyne Craxmn A Cali ahaana mrashx
2003 Mdxwyne Dahir R Kahin ahaana mrshx
2010 Mdxwyne Dahir R Kahin ahaana mrshx

Arintaas wxy sahlaysa ama ku duugan sirta guusha tartamayaasha & dhaxlida isbedel dhab ah oo la taaban karo horumarka taaso ku xidhan COD BIXIYAYAASHA.

Faa’idooyinka arintani ugubka ah isbedelka ka dhalanaya ayaa waxa kamida in lodkii hore meesha ka baxo jiil cusub na talada dalka la wareego iyagoo gaadhsiin doonna jiilka aynu nahay ee lugta ku lahayn kubiiritaankii soomaliya iyo dib uga laabashadii soomaliwayn kuwaaso la haysta siyaasada caalamka ku dhisan dhaqaalaha iyo technology-yada.

Qabashada doorashada masuuliyadeeda waxaa leh komishanka dhaarsan ee dhexda ah habdhaceega na waxaa ku magac iyo ceebleh madaxwaynaha qaranka ahna hogaamiyaha ciidamada qaranka ka dayrinteedu na waa kalsooni daro ee aynu aamino.

Guulaha madaxwaynaha waxaa kamid ah aqbalaadii uu aqbalay in doorasho lagaga 88 cod oo ah wax muran dhalin kara hadaba madaxwaynaha guushaasi tirsanayaa ma aha mid qaadan doona guuldaro sababteedu tahay kushubasho & eex xisbi.

Madaxwaynaha aan ciidanka uu maamulo u adeegsan dulmi iyo xakamayn mucaarid uma adeegsan doono cod lunsi iyo ceeb doorasho.

Inkastoo qof taamiyo,
Uu yaryahay qof toosani,
Weligii qof tuhun badan,
Illeen loo ma taag helo.

Madaxwaynaha maanta talada haya ee taariikhaha wanaagsan tirsanayaa wuxuu kursiga kusoo tartamay labo jeer oo marna ba laga maqal ciidamada qaranka iwm halagu wareejiyo komishanka doorashooyinka soomaalilaan halka cabdiraxman ciro uu maanta rabo in dastuurka loo jabiyo ee uu ku baaqayo in uu helo wax aanu xuquuq ulahayn oo xeerka doorashooyinka loo jabiyo arintaaso u eeg mid uu ku rabo in doorashada uu ku baajo faa’idada ugu jirta marba haduu yahay murashax tartamaya hadaba waxaan leehay cirooy aamin Madaxwaynaha iyo komishanka kuna kalsoonow natiijada doorashada waakaa Madaxwaynahu maanta ba sameeyay xakamaynta shaqaalaha , madaxda dawlada iyo hantida qaranka.

Abdishakur Mohamed Hassan