Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Odayaasha Iyo Waxgaradka Dega G/Gabiley Oo Ka Digay Inuu Madaxwayne Muuse Biixi Ka Dhabaynayo Tuhunka Lahaanshaha Beesha  Sacad Muuse Ee G/Gabiley .

London ( Xeegonews.com) Taniyo markii Ololaha uuu Ku Jiray Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi  waxa uu jeedin jirey balan qaadyo uu sameyaneyo baahiyaha  ka jir gobolada dalka qaarkood .

Taas Oo Macanheedu  u muuqdey mid balan qaada oo dadweynaha goboladu ka sugayeen balan qaadkii fulintiisa Musharax Muuse Biixi Cabdi taasouu ku ololeyn jirey waqtigii ololaha doorashada uu Mareyey meel Xasaasiya .

Balanqaadyada dhabta ah ee muuse Biixi u sameeyey bulshada gobolka Gabiley waqtgii ololaha ayaa waxa ugu mudneyd Aqoonsiga gobolka ahaaneed ee gobolka Gabiley  in ay si weyn uga dhex muuqan doonaan Mustaqablka Xukuumadiisa beelaha sida rasmiga ah u degan gobolka Gabiley .

Taasi oo sababta ugu weyn u noqotey in xisbiga Kulmiye uu guud ahaan helo codka Aqbaliyada bulshada ku dhaqan Gabiley kuwaasi oo xoogooda iyo cududooda saarey in codkooda ku hubsadaan xisbiga Kulmiye oo heley 56 % ku guuleystey codadka beelaha kala duwan deegaanadaasi  bulshada codka dhiibeyneys tiradoodu dhaneyd 79000  Kun Habada xisbiga Kulmiye Codadka tirada badan ee ku guuleystey  doorashada madaxtinimada waxa fure ahaa  codadka gobolada Maroodi Jeex khaastan degmada Gabiley  iyo Saxil taasi oo guul u noqotey in Xisbiga Kulmiye doorashadiisii uu kuu guuleysto.

Gabiley oo ah magaalo qadiimiya oo ka tirsan gobolka Maroodi jeex ayaa waxa  degan beelaha kala duwan oo ka dhex muuqda deegaan iyo dadba kuwaasi oo ka mid ahaa beelihii deegaan ahaan Aas aasey magaalada qadiimka gabiley ,kuwaasoo lagu magacaabo.

Bahabar-Aadan Reer Maxamed, Bahabar-Abokor, Iyo Dhago Wayne , Beelahan Ayaa Gabi Ahaanba Taabcasanaa Xisbiga Kulmiye Kuwaas Oo Taageero Xooga U Muujiyey Xisbiga Xaakimka Kulmiye,

Beesha bahabar Adan oo ka mida beelaha ugu tunka weyn ayaa waxa  xisbig kulmiye codkooda iyo cudooda ku biiriyeen iyagoo siiyey xisbiga Kulmiye cod tiradiisu dhan tahey 12kun.

Waxase Codkii beelahaasi kala duwan keeneen ay noqdeen kuwo aan loogu Abaal gudin magacaabista golaha wasiirada oo uu madaxweyne Muuse Biixi Magacaabey laga dhex waayey beelihii codadkooda lagu soo baxey uuna madaxweynaha Soomaaliland ka tirtirey beelaha kale ee degan gobolka Gabiley , marka laga reebo beesha Sacad Muuse ee uu ka soo jeedo una magacaabey wasiiro dhawra ,iyada oo gabi ahaanba laga tir tirey saamiga beelaha Baho Samaroon ee gobolka Gabiley ,.

Taasi  Badalkeeda Oo Loo Aanaynayo In Madaxwayne Muuse Biixi Hurinayo Dabkii Hore Loo  damiyeye Ee  dhexytaaley beesha isaaq iyo Beesha Baha Samaroon ,taasi oo dib curineysa dagaaladii iyo qabaailkii ka dhex taagnaan jirey gobolka Gabiley .

Hogaan dhaqameedka Magaalada Gabiley iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada gabiley oo madaxweyne Biixi uga digey lahaashaha gabiley in u xalaaleeyo beesha uu ka soo jeedo ee gobolka Gabiley .

Waxase aan la garaney talaabooyinka hayb sooc ee hada  ka soda gabiley halkey ku dambeyn doonto.

Wariye Caydaruus Ismaaciil {Maango}

Desk/London Xeegonews