Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaybtii Labaad Shabakada BooramaNews : Shirqoolada Ka Dhanka Xukuumada Soomaliland ee Shabakadaasi Faraha Kula Jirto!!!!!

“Xogaha Wararka Sirta a oo la Ogaadey in ay Boorama News Ka Hesho Siyaasiyiinta Isku Haybta Yihiin Shabakadaasi”

__________________________________________________________________________

Boorama (Xeegonews.com) Shabakada Booramanews ayaa waxey ku soo caan baxdey kala kaxeynta beelaha ood wadaagta ah ee wada gobolada galbeedka Soomaliland ,gar ahaan gobolka Awdal ,taasoo ka iibisa xukuumada Soomaliland kuna caano maashey sidiihorey u jirey haybtood reereed ay u aasi laheyd ,halka ay kuwa kalena kor u soo qaado magacooda

Waa Shabakada ay gacanta ku Hayaan  dad haba yaraatee aan Aqoon iyo mihnada saxaafadeed waxba ka aqoon ,balse ku adeegsata dad iyagu inta badan ku hawlan ficilada ay marwalba iyagu rabitaankoodu ku xidhan yahey iyo buun buuninta siyaasi door ah oo ku midoobeen kala kaxeynta beelaha  reer Awdal .

Taasoo ay xukuumada manta jirtaayi ay u isticmaasho qaab la mida siyaasadii isticmaarka ingiriiska laga dhexlay ee aheyd qaybi oo xukun ( Lafa Maroodi Iyagaa La Isku Jabiyaa) taasi oo ka turjumeysa si ay cimri dherer ugu noqoto xukuumada talada dalka gacanta ku heysa .

Geesta kale shabakadan Booramanews ayaaney ka madhneyn mabda midnimada Soomaaliya oo ah mid ka hor imaneysa Qadiyada iyo jiritaanka Soomaliland ,taasoo u muuqata in ay ka qayb tahey qorshe dawlada Fadeeraalku ay ku wiiqeyso Jiritaanka Soomaliland

Balse Shabakadani waxey Wararka iyo Xogaha Ka Heshaa Siyaasiyiinta ku  Abtirsada Shabakadan oo sirta iyo Fadeexadooyinka si joogto ula xidhiidhiya xubnaha gacanta ku Haya Shabakada Booramanews .

Arrintan oo Xukuumada Soomaaliland ku Guuldareysatey la socodka shabakadaha ku hawlan falalka lid ku ah guud ahaan Soomaliland ,waxana Shabakadani ka Xog badan tahey marka loo eego arrimaha siyaasiga ah ee ka socda golayaasha Qaranka iyo Madaxtooyada,halka shabakadaha kale ee dalka jiran aaneyn fursad u helin in siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin mulkiilayaashi in u adeegaan xogaha sirta u ah Qaranka Soomaliland

Wariye Ahmed Diiriye Ciiltire

Boorama /Awdal

La Soco Qaybta Saddexaad ….

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *