Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Reer Boorama Ma Ka Soo Kaban Doonaan Dakharada Ka Soo Gaadhay Ololahii Mise Waxay dhaxli dagaal qabiil Doorashada kadib.

21 maalmood oo olole doorasho lagu jiray ayaa waxa bulshadu ka dhaxashay dib u dhac wayn oo dhinacyo badan taabanaya.  Ololahaas doorashada ayaa siyaasiyiinta sedexda xisbi waxa ay taageerayaashooda ugu baaqayeen in ay iskugu soo baxaan fagaaraha khayriyada iyo xafiisyada ay ku leeyihiin magaalada. Waxa ay hawlwadeenada xisbiyadu u adeegsanayeen abaabulka taageerayaashooda hadalo caadifad iyo qabyaalad ay ku dheehantahay.

Siyaasiyiinta iyo salaadiinta dhaqanka  iyo cuqaashuba waxay ku kala qaybsameen ololahan iyaga oo ukala hiilinayay xisbiyada ay hayb ahaan ka soo jeedaan, waxana qudbadahoodu ahaayeen dhimbiilo hurinaya colaad sokeeye iyo dagaalo qabaail intii uu ololahu socday.

Dhamaan arimahaasi waxa ay keeneen  in  dhalinyaradii  saaxiibada ahaa ay kala irdhoobaan haweenkiina saamayso islamarkaana xaafadba xaafadii ku xigtay ee jaarka la ahayd ay dabka kala qaaadanwaayaan. Maalmaha ay jireen iskusoobaxyada waxaa dhacayay shiid iyo dagaalo aan loo baahnayn kuwaasi oo dhaliyay khasaare, hantiyeed iyo dhaawacyo dad.

Ciidamada Bilayska ayaa  hawlgalo xasilinta magaalada la xidhiidha marmarka qaar  samaynayay balse kuma filnayn xaafadaha magaalada Borama gaar ahaan xaafad  Fardaha iyo xaafada Axmed salaan waxa ka dhacay weeraro dagaal iyo shiid ah kaasi oo keenay in ciidan la kala dhexdhigo

Maalinta  loo asteeyay  in ay qabsoonto doorashada Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Somaliland waa 13 November 2017, ayaase ah maalin qudha oo ayaan ka hadhay, kulsigana uu qof kaliyahi ama sibi kaliyahi calfan doono, runtuna ay tahay in aanay u qalmin in bulshadu ku kala fogaato,

Sikasta ha ahaatee arimahaasi oo dhan waxa ay muujinayaan in  doorashada kadib ay arimuhu sii murgaan waayo xisbiyadii iyo qabaa ilkii oo markale isku milmay ma ogolaan doonaan qabiilba qabiil in uu ka guulaysto, su’aashuse waxa ay tahay bulshadu dib uga soo kaban doontaa dakharada ka soo gaadhay ololaha doorashada ee ugu darnaa ee Somaliland taariikhdeeda soo mara

Wariye Maxamed Bili Bili

Xeegonews.com

Borama office

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *