Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirkada Lagu Magacaabo Bad Baado oo Bulshada Boorama Ka Dhex Abuurtey Khilaaf Hor Leh iyo Dareenada Ku Gadaaman Arrimahaasi .

Boorama (Xeegonews.Com) Waxa Maanta Magaalada Boorama Laga daah furey shirkada Lagu magacaabo Badbaado sanatation taasi oo ka Shaqeyn Doonta Nadaafada Magaalada Boorama .

Furitaanka Shirkada Waxa Ka Dhashey Khilaaf Xoogan oo Salka Ku Haya Xildhibaanada Golaha Deegaanka Boorama oo Kula Kala Qaysamey Shirkadan Lagu Magacaabo Bad Baado , taasoo sababtey in Maayarka iyo Xildhibaanada golaha deegaanka Borama isku khilaafeen munaasbadii lagu daahfurayey ka dhici laheyd hoolka xarunta dawlada hoose Boorama ayaa halkaasi ku fashilantey qabsoomidiisi .
Jawiga munaasabadan oo markii buuq iyo khaakhuul ka dhex dhashey xarunta dawladda hoose taasi oo badi ,xildhibaanada golaha deeganka Boorama ka horjeedeen.
Munaasabada weyda lagu daahfurayey ayaa lagu qabtey hotelka saw ee Boorama kaasi oo si qarsoodiya halkaasi lagu shaacinayey .

Shirkadan oo ka shaqeyn doonta nadaafada Xaafadaha Sheekh Makaahiil iyo Sheekh Ahmed Salaan ayaa laga leeyahey magaalada Berbera ee Gobolka Saxil Taasi oo uu leeyahey mid ka mida ganacsatada Magaalada Berbera ka Ganacsada .

Aqalabiyada Xildhibaanada golaha deegaanka oo maant shir jaraaid ku qabtey hotelka Rays boorama waxey kaga hadleen arrimo kala duwan oo xasaasiya oo dhinacyo badan taabanayey kuwaasi oo ka midyihiin mooshin xilka qaadis u gudbiyeen Mayirka Boorama sidoo kalena ay gaadhsiiyeen laamaha dawlada gobolka Awdal , Xildhibaanada golaha deegaanka Boorama ayaa shirkadan Lagu Magaacbo Bad baado ee lag leeyahey Berbera ku tilmaamey mid sharci daro oo aan sifaha sharciga aan waafaqsaneyn laga hawlgalinayo magaalada Boorama .
Xildhibanada ayaa ka digey in shirkadan Bad baado bulshada ka dhex babuureyso isku dhac bulshada dhexdeeda ah .

Waxase loo nisbaynayaa in shirkadan aya wadaan reer kaliya oo ku dhaqan oo degan deegaan Ahaan gobolka Awdal , dhlinyaradooda , waxana loo qaatey qaybtan in la iska dhex muujiyo bulshada Boorama ku dhaqan ,.
Shirkadan koontarabaan laga hawlgalinayo labada xaafadood ee Sheekh Makahiil iyo Sheekh Ahmed Salaan ayaa buslhada Boorama ka Dhex Abuurtey kala Qaybsanaan Xoogan iyo sii kala Fogaanshaha dadka ku dhaqan Magaalada Boorama oo Sababi karta In shirkado kale Boorama Laga Sameeyo taasi qoo Caqabad ku Noqneysa Horumarka Degmada Boorama

Wariye Ahmed Diiriye Ciiltire
XeegoNews.Com
Boorama /Awdal