Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sixirroolayaal Ololaha doorashooyinka somaliland sixir kaga qaybqaadana

waxaa la xaqiijinayaa inay magaaladan Burco ka socdaan olole iyo hawlgallo waaweyn oo ku saabsan waxa loo yaqaan Sixirka , kuwaasoo
lagaga qayb qaadanayo ololaha doorashada , warkan oo ay soo gudbiyeen
dad arrinkan si hoose beryahanba ula socday,oo aan doonayn in la
magacaabo ,ayaa sheegaya in sixirroolayaashu ay meelo badan oo dalka
ah ay sixir ku aasayaan si ay dadweynaha doorashada ka qayb qaadanaya
iyo madaxda xisbiyada qaar u argagax geliyaan dadkana unacsiiyaan.
ugu danbayna waxaa u qorshaysan inay madaxda xisbi ka mida xisbiyada
ay sixraan si uu tartanka iyo legdanka dooraashada u hidinwaayo
waxana ay nidar kumareen inay xisbigaa dabada dhulka ugu dhuftaan
oo doorashada kaddibna uu maro halkii uu xisbigii Udub maray
Xisbikamida sadexda xisbina waxa ay kooxahaa isbahaystay ee ka
kooban sixirroolayaasha iyo sixirkumacaashayashu ay doonayaan inuu
guulaysto,waxa kale oo ay ku taamayaan in hadduu xisbigaasi dalka
qabsado ay u abaal sheegtaan oo madaxtooyada sidaa ugu galaan
dabadeedna ay madaxweynahaa cusub sixradaan oo lahayste ka
dhigtaan ay waxay doonaan ka fushadaan isagoo aan ikhtiyaar
lahayn dalkuna uu markale galo xaalad aan la fahmi karin sida ay wax
usocdaan , dadka warkan soo helay waxay sheegayaan inaanay
madaxda sarsare ee 3da xisbiqaran waxan warba uhayn kuwa ay
sixrayaan iyo kuwa ay isleeyihiin wax utara midnaba marka laga reebo
taageerayaal hoose , waxa kale oo yaab leh in lashaqaystayaasha
falalowyadani ay sadexda xisbiba kala galeen iyagoo hawlo gaara
loo dirsaday iyo inay sixir kusoo wexeeyaan cidda lala doonayo
Arrimahaan oo aayamanba hadal hayntoodu ku jirtay magalada
Burco,waa arrin haddaan laga hortegin khatar ku keenaysa
dadka ,dalka ,diinta iyo doorashada habsami usocodkeedaba
waxaana dhici karta in sida uqorshaysan sixiroolahan uu dhaawan
dhaawac caafimaad iyo waqcad siyaasadeedba soo gaadhsiiyo
rag maanta utartamaya kursiga madaxweyanimo ee waddanka
ugu sarreeya haddaan degdeg arrimahaa wax looga qaban
markaa waxa lagula talinayaa iyadoon waxba lays cabsi gelin
in 3da murashax ee tartamayaa ay sida ugu dhaqsaha badan u
samaystaan lataliyayaal dhinaca sixirka dhibtiisa kala taliya oo
ay culimo iyo dad khibrad leh oo aan baqaynni ku jiraan waana
in aad loo digtoonaadaa dadkani waa dhaqaale doon oo waa
kuwa dadka ku qalinshubateeya ee ku sixra dalka.
waxalagasoo xigtay kooxdan in hawlgaladooda sixirka ah
ay aad ugu rajoweyn yihiin inay ku guulaystaan maalmaha
doorashada maalin ama laba ka hadhay hadii aan intaa laqaban
Waxa hoggaaminaya sixirroolaha lagu magacaabo laangadhe
ee deggan xaafada Oktoobar ee magaalada burco,waxa lagu
sheegay inuu yahay sixirroole aad u halisa oo dirsada jiman
iyo shayaadiin aad ubadan kuwaasoo usoo warrama arimaha
qaybkana intaa wax uga sheegsheega
waxaa lagasoo sheegay inuu yidhi labada bilood ee sannadkan
ka hadhay waa 2 bilod oo aan la kulmidoono guul ama guuldaro
weyn ama anaa lay qabanayaa oo lay ogaanayaa ama anaa
aakhiro u diraya xisbigaa colaaddu naga dhaxayso iyo madaxdisa.
intaa habeenoo dhan wuu qayilayaa oo saamaleylayaa oo wuxuu
soo xaadirinayaa oo soo dejinayaa shayaadiin cid waxaa udiratay
oo uu ushaqaynayona la garanmaayo,waxase ay dadka reer burco
qaar kamida oo cabsi badani ka muuqataa sheegeen inuu ninkani
tobaneeyo sano ka hor joogi jiray madaxtooyada oo uu markuu ka
tegayayna sixir ku aasay waxa uuna sixray oo xaqiiqa ah qaar ka
mida siyaasiyiinta ugu magaca weyn somaliland oo hadda uu
caafimaadkoodu halis ku suganyahay dadweynaha iyo dawladuna
kama warqabaan kooxda uu ninkani hogaamiyayaashooda ka mid
yahayna waa shabakad dhan oo isku xidhan waxa uuna sixirkoodu
saameeyey dad aad iyo aad u badan oo ka kooban dhamaan
qaybaha bulshada in badan bay reer burco ka cawdeen siiba
dumarku ee dawlada somaliland iyo madaxda gobolka togdheer
ayaa dhegaha ka furaystay oo waxba ka qaban waayey
sixirroolayaashaa reer Burco iyo dalka intiisa kaleba sixraayey.
in badanbaa qayladhaanta dadweynuhu ka samaynayeen ee
kaga cabanayeen sixirroolayaasha ay soo noqnoqonaysay
sannadihii ugu danbeeyay ilaa ay markii danbe gaadhay inay
dadkii sixir ku afduubaan oo hadhcad hantidoodii sixir kaga
dhacaan siiba magaaloyinka hargaysa iyo burco oo saldhigyada
bilayska loogasoo dacwooday ,oo dadkii dhibanaha ahaa ee soo
dacwoonayay aan waxba loo qaban oo naqaska lagu celiyay
oo loola dhaqmay sidii oo aanu sixirku wax jiraba ahayn oo
uu khayaali yahay oo dadkaasina aanay waxba hubin
lamana arag wax sixirroolayaal ah oo lasoo qabqabtay
magaalada burco oo la maxkamadaynayo oo denbiga ay
dadka masaakiinta ah ka galeen looga goynayo , iyadoo weliba
lawada ogaa in halkan burco ay ka furnaayeen iskuulo sixirka
lagu barto oo ay kasoo qalin jebiyeen dhallin yaro badani
waqtiyada qaar , waxay qayladhaantii shicibka sixirka lagu
dhibaateeyey gaadhay gudo iyo dibadba iyadoo ay marar
badan telefeeshinada dalku barnaamijyo iyo waraysiyo
qaarkood live ahaayeen kaga hadleen sixirka aafeeyey
dalka iyo dadkaba waxana aynu telefishanadaa ka xusi
karnaa telefishanka Kalsan tv.oo uu weriyaha caanka ah
ee Cabdillaahi maxamed cali london iyo weriyaha kale ee isna
caanka ah ee Dalmar ee tvga qaranka qaybtiisa iswiidhan
ay labadaa weriyeba labadaa tv kaga hadleen oo ku baahiyeen
oo ku qaadaadhigeen dhibta uu SIXIRka iyo Falku ku hayaan
dadka iyo dalka somaliland markaa somalidu waxay
tidhaahaa ” Hebednimada qaarkeed aday kuu Hed noqotaa”

Shabakaddanisku xidhan ee sixirroolayasha ah xarumohooda
ugu waaweyni waxay ku yaalliin Burco , Sool,iyo Garowe
meelo badan oo kalena way ku filiqsan yihiin.

sixirroolahan reer burco waxa la sheegayaa inuu aad u isticmaalo
nooc sixira oo dadka colaad laysu geliyo oo lagu kala kexeeyo.
markaa dawladda iyo xisbigeedu hore ayay u sahashadeen inay
sixirroolayasha dalka ka xaaqaan oo waxay dilaan iyo waxay
xidhaan iyo waxay masaafuriyaan ka dhigaan si uu dadka iyo
dalkuba u miyirsado , dadka intiisa badan waxaad is odhanaysaa
maba miyir qabaan sawtan telefishana ay iska caayayaan ee isga
hanjabayaan xitaa salaadiintii dhaqanka ugu sarreeyey sawtan
aan qabyaaladdii laba qarsanayn ee telefishanadii laysaga
baanayo ilaahay doorashada nabadgelyo haku dhameeyo

” Al-mawtu ka`zun , wa kullun shaaribuhu ”

Geeridu waa sidii Koob ,qofkastaana wuu ka cabbayaa

markaa Sixirroolayaashaasu halkaasay Burco iyo dalkaba
sixirkooda lasoo fadhiyayaan ninkastaana maruunbuu ka
cabbayaa oo dhadhaminayaa cadaabka sixirkoodaa ama
shicib ha ahaado ama dawlad ama ganacsato ama culimo
ama hogaamiye dhaqameed mar haddii dadkii dhammaan la
foororiyay oo cid iska qabata la waayey bal aynu eegno waxa
dhaca maalmaha soosocda iyo wixii ka danbeeyaba kollay
wixii hore usoo dhacay markhaatibaynu uwada nahaye

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *