Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

SIYAASIYIINTA ISKU DHUFTAY BEELAHA BARIGA & GALBEEDKA BURCO : AMB AWIL IYO GUDD SULAIMAN .

Ereyadda  Galbeedka&  Bariga Burco waxa sabab u ahaa    xasilooni darradii ka dhacday Somaliland 1992- 1996 .Waxa  naax-naaxiyay laba wargeys oo kasoo baxi jiray  Hargeisa oo kala ahaa  Haatuf & Jamhuuriya .
Waxa dabka iyo dagaalka huriyay  Siyaasiyeen kasoo kala jeeda labada beelood  ee walaalaha ah HY & HJ. Siyaasiyeenta bulshadu farta ku fiiqdo waxa ka mid ah   Amb Awil ,  Gudd Sulayman Gaal iyo Mohamed  Kahin.
Amb Cawil waxa lagu tilmaama inuu yahay Dawlad-ku-nool .Waxa lagu xantaa inuu  yahay nin dantiisa shakhsi ka hormariya  danta guud.
Wuxuu ahaa runkadii Taliskii Siyaad Barre  waqtigaas oo uu dada fara badan oo Duriyadda  Reer Sheikh Isxaaq ku abtirsada   uu gacanta  ka geliyay Sirdoonkii Uganda ee  Taliskii Idi Amiin. Dadkaas waxa  dib loogu celiyay Muqdishu , waxaana loo taxaabay Xabsiga Gaalshire.
 Waqtigii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda ee Madaxwayne Riyaale wuxuu  fidmo dhex dhigay Beelaha Walaala ah ee HY &  HJ.
Wuxuu ku dhex faafiyay   waxgaradka  iyo waayeelka  HY inuu Madaxweyne Siilaanyo ka danbeeyay shirqoolkii lagu dilay Muj Abdilqaadir Koosaar, waxaanu sheegay inuu hayo cadaymo fara badan buugna ka qori doono.
Dad badan oo HY  ka tirsan ayaa rumaystay  dacayadaas  calool xumana  u qaaday Madaxweyne Siilaanyo iyo beesha uu kasoo jeedo.
Guddoomiye Sulaymaan waxa lagu tilmaama inuu ahaa  shakhsigii  qandraaska ku qaatay dagaalkii ka dhacay Burco 1994.
Waxa la xasuusta erayadii  naxliga iyo nacaybka xanbaarsanaa  ee  uu ka dhex yidhi Burco  “ Hadii  Maleeshiyaadka HY   kaga bixi waayaan  BURCO muddo  24 saacadood gudahooda  waxa cagaha la gelin dhiig
Arrinkaasi  wuu dhabowbay oo Reer Burco waxay ku dabaasheen  dhiig sokeeye. Colaada manta  ka oogan  Ceel Afwayn waxay dabada ku haysa dabkaa ay shideen labada Siyaasi  waxaana saliid kusii shubay Boqor Buur-Madow oo Wakeel  u ah  Carab u dhashay dalka Emaraadka  Carabta “ UAE”   oo qorsheeyay inuu  3,000 Geela ku dhaqo  Gobolka Saraar & Sanaag.
 
Drs Hoodo Yusuf, London, Uk,
 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *