Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Siyaasiyiinta iyo Aqooyahanka Beesha Makaahiil oo Faragalin Ku Heya Soo Xulista Golaha Wasiirada ee Beelaha Gobolka Awdal + Madaxwne Biixina Ka Codsadey in Wasiirka Waxbarashada uu Ka Badalo G/Awdal.

Hargeysa(xeegonews.com) Magaalada Hargeysa ee Caasimada Soomaaliland waxa Baryahan ku sugan siyaasiyiinta iyo  waxgaradka ka soo jeeda gobolka Awdal kuwaasi oo ka soo kala jeeda beelaha wada degan gobolka Awdal

Hadaba Xubno ay ka Midyihiin Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Pro.Sir Saleebaan Ahmed Guuleed , Daahir Riyaale Kaahin iyo Cabdirahmaan Aw Cali  Faarax oo ka soo jeeda mid ka mida ardaayada beelaha gobolka Awdal ayaa lagu soo waramayaa in wadaan qorshe Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Soomaaliland Pro.Sir Abdilaahi Ibraahim Habane ( Abdilaahi Dheere ) in uu Madaxweynaha Cusub uuna Xilka ku soo Celin Xukuumadiisa ama uu Ka Badalo wasaarada Waxbarashada Soomaaliland taasi macnaheeda dadku u fasirayaan in uu wasiirku bulshada gobolka Awdal iska Horkeenayo .

Siyaasiyiintan iyo Aqoonyahankaasi Qorshahooda  lagu soo waramayaaa in dhaqdhaqaaq xoogan ugu jiraan Sidii Loo  Badali Lahaa wasiirka Waxbarashada Soomaaliland ama Xilka Looga Badalilahaa .

Dhinac Kale Aqlabiyada Beelaha Gobolada Galbeedka Soomaaliland waxey indhaha ku hayaan dhaqdhaqaayada qorsheysan ee lagu beegsanayo wasiirka wasaarada waxbarashada Gobolka Awdal kuwaasi oo ka soo kala Jeed beelaha Habarcafaan iyo Maxamed Case ,Lama garanayo sababta ilaa imka siyaasiyiintani beesha Makaahiil iyo aqoonyahankoodu dabada uga wadaan  talaabooinka beeleysan ayaa lagu kala faquuqayo siyaasiyiinta ,iyagoo xadgudub ku sameyneysa qiyamka reeraha Kale ee degan gobolka Awdal .

Faragalin ku haya Nidaamka Loo Xuleyo Golaha Wasiirada ee Gobolka Awdal ee Xukuumada Kulmiye .

Abdilaahi Daahir Waceys

Xeegonews.Com

Boorama