Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

TACSI KU SOCOTA REER RASHIID ISMACIIL IBRAHIM XUSEEN INAALI LAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN

Hiilsan International Rural Development -128 Woodridge Crescent
Ottawa (ON) K2B 7S9
Canada www.hiilsan.org

OTTAWA, ON, December 6, 2017– Waxaa magaalada Jabuuti ku geeriyoodey Allah ha u naxariistee RASHIID ISMACIIL IBRAHIM (December 2 deedii). Geeridaa naxdinta leh oo gilgishay dhamaan xubnaha Ururka Hii-San International Rural developmentOrganisation, ayaa ah mid ku habsatay dhamaan xubnaha Ururka gaar ahaan reer ISMACIIL IBRAHIM XUSEEN.

Ururka Hii-San International Rural Development Organisation wuxuu tacsi tiiraanyo leh u gudbinayaa Dhamaan reer RASHIID ISMACIIL IBRAHIM XUSEEN oo aabahood RASHIID Xaqii Eebe ku yimid. Waxaan Marxuunka Ilaahay uga baryaynaa inuu Janatal-Farduussa ka waraabiyo isla markaana Samir iyo iimaan buuxa ku hagoogo qoyskii, eheladii iyo dhamaan xubnaha Ururka.

Waxaan hoosta ka xariiqaynaa inaan RASHIID ISMACIIL IBRAHIM XUSEEN la qaybsanayno tiiraanyada geerida anagoo si buuxda ula qaybsanayna murugada ay sobobtay dhacdadan xaqa ah oo dhamaanteen aan dhandhamin doono. Ilaahay samir buuxa ha idinka siiyo Aabihiin waxaanan Raxmaanka ka baryaynaa inuu dambigiisii ugu badalo xasanaad isagaa Qafuura-Raxiimee. Amiin.

Marxuunku waxaa ifka kaga hadhay ooridiisii iyo toban ubadkii ay dhaleen ah iyo saddex uu awow u ahaa. Ilaahay samir buuxa ha ka siiyo Aabe Rashiid oo ahaa aabe intii taqaanay isla heleen inuu ahaa shaqsi akhlaaq wanaagsanaa oo lagu yaqaanay dabeecad suuban.

Jama Osman Geele

THE CHAIR