Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War Deg Deg ah : Qeybo kamid ah Ganacsiga Soomaalida ee Magaalada Minisoota oo Albaabada loo laabay

deg-deg1Minisoota(Xeegonews.com) Wararka ka imaanaya Magaalada Minisoota ee dalkaasi Mareykanka ayaa sheegaya in albaabada la isugu dhuftay Goobaha Ganacsiga ay Soomaalida ku leeyihiin halkaasi.

Ganacsatada goobahooda la xiray ayaa waxa ay ka mid yihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi mareykanka gaar ahaan magaalada Minisoota ee Gobolka Minneapolis.

Goobaha la xiray ayaa la soo sheegayaa inay ahaayeen goobo ganacsi oo aad looga yaqaano magaalada Minisoota, waxaana ay kala yihiin sidan.

Sadex Xarumood oo kala ah ” Child Care Center ” meelaha caruurta lagu xanaaneeyo iyo Hal Xarun oo ah ” Home Health Care ” Halka laga hago Dadka adeegyada kala duwan loo qabto ee guryaha loogu tago.

Xarumaha Ganacsi ee la xiray ayaa la soo warinayaa inay lahaayeen Hal qoys oo caan ka ah magaalada Minisoota ee dalkaasi Mareykanka.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka ayaa ka mid ah Dadka ugu fir fircoon dhanka shaqada marka laga hadlayo, waxaana Soomaalida si weyn loogu xushmeeyaa Gobolka Minneaplis oo ay ku badan yihiin, halkaasoo ay ka hirgaliyeen xarumo ganacsi iyagoo qaxooti ah.

Ilaa hada ma cada waxaa loo bartilmaameedsaday Goobahaasi Ganacsi ee ay leeyihiin halka qoys ee Soomaalida ah, waxaana socda dadaalo lagu raadinayo sababaha keenay in albaabada la isugu laabo goobahan ganacsi.