Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

War Deg Dega:- Dhalinyaro Gadoodsan Oo Reer Wajaale Ah Ayaa Galabta Garaacay Xildhibaan Cali Duul Duul oo ka tirsan xildhibanada Golaha Deegaanka ee Degmada Gabiley

London(Xeegonews.com_dhalinyaro gadoodsan oo reer wajaale ah ayaa galabta garaacay xildhibaan cali duul duul oo ka tirsan xildhibanada golaha deegaanka ee degmada gabiley  kadib markii uu meel kadhac iyo aflagaado qaawan ku weeraray dhalinyarada degmada wajaale oo ah dhalinyaro intabadan ka shaqeeya arimaha bulshada ee degmada wajaale .  hadaba waxa xusuus mudan in maalintii doraad  la isku mari waayay  shaqaale laga keenay ama laga soo qoray hargaysa oo lakeenayay in ay ka shaqeeyaan damdamika ay leedahay xaarunta dawlada hoose ee degmada wajaale isla markaasina ay ka gadoodeen dhalinyarada wajaale oo hore loogu balan qaaday in ay ka shaqayn doonaan damdamiskaasi balse ay gudomiyaha wajaale iyo taliyaha ciidanka damdamiska qaranu ay dusha sare ka keeneen dhalinyaro aan u dhalan degmada wajaale . taasina waxa ay sobobtay in ay is hortaagan dhalinyaradii reer wajaale shaqaalaha hargaysa laga keenay balse nasiib wanaag waxa dhalinyaradii loo adeegsaday abood ciidan dhinaca kale   maayarka wajaale oo isagu dabada ka riixayay xildhibaan cali duul duul ayaa sobobtay in ubixii degmada wajaale uu xildhibanku ku sheegay xamaglayaal iyo kuwa guryaha guba  waxana xusuus mudan in xildhiban cali duul duul galabta suuqyada wajaale ay jidh dil iyo garaacis ugu gaysteen dhalinyaradii uu maalinta dhawayd aflagadeeyay waxana xusid mudan ay dhalinyaradaasi ay moobilkii uu watay kaga qaateen suuqyada isaga oo xitaa dharkii ay ku dul jeex jeexeen isaga oo markii dambe loola cararay cisbitaalka wajaale lasoco wixii warara ee ka soo baxa …

Wajaale  Somaliland
Cadceednews.com
WariyeKhadar@gmail.com