Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wararkii ugu dambeeyey ee tirinta sanaadiiqda goob Codeyn ee Degmada Boorama oo Maraya 23 Saduuq iyo 105 Sanduuq oo Hadhan Tirintoodu .

Boorama (Xeegonews.com) iyada oo gudiga komishanka doorashooyinka qaranka soomaaliland ee gobolka Awdal wadaan tirinta goob codeynta doorashada madaxtinimada ee degmada Boorama .

Waraka laga helayo xarunmahaasi si sheegayaan in la wado tirint goobaasi oo dhamaan soo xaroodeen sanaadiiqdii dadku codka ku dhiibteen ,

Hawlwadeenada Komishaka iyo masuuliyiinta xisbiyada ayaa waxey wadaan tiring goob codeyta degmada Boorama oo dadweynaha u dhagataan tiradeeda taasoo xisbiyada Soomaaliland indha ku hayaan natiijada ka soo baxeysa ayaa hawladeenadu tiriyeen 23 Sanduuq oo ka Mida Goobaha COdeynta Degmada Boorama ,sidaasina waxa ii xaqiijiyey masuuliyiin ka ag dhaw goobaasi ayaa shabakada u xaqiijiyey goobahaasi la tiryey, waxana u hadhey 105 Sanduuq oo ka tirsan degmada Boorama .

Waxase la filayaa in gudiga komishanka doorashooyinka qaranka Soomaaliland tiring doonaan Sanaadiiqda goobo codeynta ee degmada Boorama taasoo la filayo in ka soo baxdo natiijada saxda ee goob codeynta degmada Boorama ,marka la dhameystiro .

 

Balse waxa Dhinac kale jira warar mala Awaala oo ay soo saareen Shabakada ku hadasha Afka Xisbiga Mucaaridka Wadani Booramanews ayaa qortey warar been Abuura oo degaano ka tirsan Degmada Boorama ka Tagtey ,.kuwaasi oo codadka Degmada Boroama dusha  u saartey Xisbiga Mucaaridka Wadani taasoo fulineysa heshiis dhexmarey Xisbiga Mucaaridka Wadani iyo Shabakada ku hadasha Afka Xisbiga Booramanews kaasoo ku kacaya Lacag qadarkeedu dhanyahey 10,000$…

Wariye Ayaanle Siciid Cabdi

Xeegonews.Com

Boorama /Awdal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *