Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasaaradda Hawlaha Guud oo Liisankii gaadiidka ku wareejisay Shirkadd gaar loo leeyahay

liisanHargaysa(Xeegonews.com) wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Somaliland ayaa Liisankii Dirawliinta gaadiidka ku wareejisay shirkadd gaar loo leeyahay oo bedelaysa Buugii hore ee ay Xukuumaddu maamuli jirtay, isla markaana ka dhigaysa Kaadh Elektaroonik ah. Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud oo ay wariyayaal ka tirsan Waaheen khamiistii kula kulmeen Waaxda Gadiidka ee wasaaradda Hawlaha Guud ayaa ka gaabsaday inay wax macluumaad ah ka bixiyaan Qandaraaska ay wasaaraddu ku bixisay Liisankii Dirawaliinta oo ay Dadweyne kala duwani cabasho ka muujiyeen maalmahan kadib markii uu dibu dhac ku yimi inay helaan Liisano ay Dalbadeen. Hase yeeshee qaar ka mid ah Shaqaalaha oo iskaga riixay Masuuliyiinta sar sare ee wasaaradda ayaa wariyayaasha u sheegay iyaba inay warkaas maqleen balse aanay Xog dheeraad ah ka haynin, iyagoo dhinaca kalena cadeeyay inay jiraan qorshayaal kale oo lagu madax banaanaynayo hawlaha ay Wasaaradda Bulshada u hayso. Inkasta oo aanay wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka wasaaraddu ku sugnayn xafiisyadooda oo ay ku maqnaayeen Shirkii Golaha Wasiiradda ee Madaxtooyadda, hadana waxa ay si hoose iyo si toos ahba Wariyayaashii baadi-goobayay arrintani ku ogaadeen in aan la shaacin ilaa hada ama aan la ogayn shirkadda la siiyay Mashruucan, iyadoo masuuliyadaha kale ee la hadal hayo wasaaraddu inay wareejiso ay ka mid tahay ilaalinta fayo qabka gaadiidka oo sharciga gaadiidku sida uu dhigayo ay tahay wasaaradda Hawlaha Guud inay baadho dayac tirka gaadiidka dalka oo dhan. Hawshan oo ay fulin jireen Ciidanka Taraafikada Somaliland ayaa la sheegay in shirkadda lagu wareejisyay hawshaas fulin dioonto isla markaana hawsha ay qaban doontaa noqon doonto inay joojiso gaadiidka isla markaana ka ay u aragto inaanay xaaladiisu fiicnayn ganaaxi doonto, kuna Amri doonto Mulkiilaha gaadhiga lagu helo in uu Geerash geysto. Hore waxa ay wasaaradda gaadiidku Shirkadd gaar loo leeyahay u siisay nambarada gaadiidka ku dhegsan kuwaas oo ay ka hesho dakhli, hase yeeshee dooda ugu culus ee taala waxa ay tahay Xukuumadda Somaliland maxaa ku kalifay Liisanka Dirawaliinta inay wareejiso maadaama ay ka heli jirtay dhaqaale dhan $70 Buugiiba, maadaama imika la sheegay Shirkadda ay ku wareejisay inay $40 oo qiimahaas ah iyadu qaadan doonto?