Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland Xasan Xuseen oo Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Awdal Faragalin Ku Hayo+ Wajiga Ololaha Doorashada oo Ku Wajahayo Hayb Qabiil ..

Boorama (Xeegonews.com) Magaalada Boorama waxa si habsmiya uga socda ololaha doorashada Madaxtinimada Soomaaliland ,hadana hawlaha shaqo ee dawliga Xukuumada Soomaaliland waa sidoodii .

Hadaba Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliland Xasan Xuseen  oo mudooyinka ku sugan magaalada Boorama iyada oo waqtigan xaadirkan lagu gudo xaalada kala guura ayaa wasiirku xigeenka wasaaada caafimaadka baryahan dambe uu faragalin qaawan ku hayaa wasaarada caafimaadka ee gobolka Awdal ,sida xaqiijinayaan Warar madaxbnaan oo ay heleyso Shabadkadu.

Faralgalinta wasiir ku xigeenku hayo wasaarada caafimaadka gobolka Awdal ayaa ka dambeysey ,ka dib markii shaqada laga Joojiyey haweeney mudo labaatan sano ka shaqeyneysey cusbitalka Boorama taasoo maamul guud ka aheyd iskuna beelyihiin wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi oo ka soo jeeda Beesha Makaahiil.

Ka dib markii xilka laga qaadey Marwadaasi balse shaqadeeda ka mid tahey shaqaalaha joogtada ee wasaarada Caafimaadka Soomaaliland ee gobolka Awdal.

Wasiir Xasan Xuseen oo ka socdey wasaarada uu ka tirsan ka dhex Abuurey Shaqaalaha wasaarada gobolka kooxeysi iyo qabiilo ka ,dib markii uu soo Abaabuley hogaan dhaqameed u badan Jufada uu ka soo jeedo Jibriil yoonis ,kaasoo xiligan ka faaiideysanay kala guurka iyo ololaha doorashada madaxtimimada ee ka socda gobolka Awdal ayaa waxa uu masuuliyiinta gudiga oloalah doorashada madaxtimimada horgeeyey xubnaha hogaan dhaqameedka beeshiia waxana uu uu ku doodey haweeneyda masuuliyada laga qaadey in beeshoosu ay heyso cod tiro badan oo uu xisbiga Kulmiye u baahan ,taasoo hada lgu jiro waqtiyadii u dambeeyey ee ololah doorashada madaxtinimada oo Maalmo kooban ka hadhanyihiin ,sida ay shabakada u xaqiijiyeen dad loo qaateena oo ka hawgala wasaarada Caafimaadka ee gobolka Awdal .

 

Waxase baryahan dambe isa soo tareysey maamulxumada iyo qabyaalada uu ku hayo wasaarada caafimaadka ee gobolka Awdal wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Soomalailand Xasan oo kolkii lagu tirinayey masuul loogu qaldoomey magacbistii ,iyada oo uuna laheyn Aqoontii iyo waa’ayo aragnimadii lagu maamulayey wasaarada Caafimaadka ,hadaba waxa wasaarada caafimaadka gobolka Awdal ka dhex taagan Kooxeysi iyo Qabiileysi u badan Reerka uu ka soo jeedo oo uu ka abuureys wasiir ku xigeenka kaasoo faragalin aan geed loogu gaban ku haya Shaqaalah heer gobol ee wasaarada .

Faragalintan wasiir ku xigeenka wasaaraa caafimaadka ayaa hada u muuqatey mid looga faaiideysanayo ololaha doorashada Madaxtinimada Soomaaliland kaasoo ku tagrifalaya Awoodaha Maamul  ku leeyaey Wasaaradaasi.

Wariye Ayaanle Siciid Cabdi

Senior Editor

XeegoNews.Com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *