Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xalka Somaaliyeed Waa Siyaasad Run Jecel

In matters of truth and justice, there is no difference between large and small problems, for issues concerning the treatment of people are all the same.
Albert Einstein

 

editorialDhibaatooyinka siyaasadeed ee Somalia ayaa u muuqda qaar uu furihii ka maqan yahay. Ka dib burbur socday taniyo 1991-kii iyo maamul xumo ka horaysay oo fogaysay cadaalad furo u ah wadajirka iyo jiritaanka dawladnimo, waxaa la soo gaadhan in la soo afjaro maamuladii ku meel gaarka ahaa lana dhiso dawlada maanta jirta oo ah tii u horaysay ee dalka gudihiisa lagu doorto muddo labaatan sanno ka badan.

Hase yeeshee dawladaa cusub waxaa horyaala aqabado horey u jiray iyo dhibaato cusub oo ah tan midnimada iyo federaalka oo saansaanteedu u eegtahay mid kala daadin doonta dadaalkii ilaa hadda la soo waday ee dawladan cusub ka midho dhalin lahayd. Mashaakilo kale ayaa jira sida qodobka foolxumada weyn leh ee 4.5 oo markhaati ka ah saaqidnimada soomaliyeed. Waxaa iyaduna ah dhibta ugu weyn dagaalka Al-Shabaab lagula jiro oo loo bahan yahay in kooxdaa xagjirka ah laga sifeeyo dalka oo dhan si loo soo celiyo amaankii iyo kala dambayntii iyo weliba sharaftii magaca soomaliyeed iyo sharaftii diinta islaamka ee la siyaasadeeyay. Maanta maqaalkan waxaa ku soo koobaynaa inaan ku soo koobno qodobka Midnimada iyo qodobka Federaal-ka.

Midnimada

Haddaan ku foorarsano tan midnimada waxaa hubaal ah in dhinaca koofureed wali fahmin mahmiyada arrinntaasi u leedahay aayaha somaaliyeed. Waqooyigu wuxuu tirsanayaa dhibaatooyin badan oo badankoodu xaqiiqo yihiin, laakiin Koonfurtu hab dhaqankooda uma eeka inay fahmeen halka sartu ka qudhunsantahay. Taniyo intii xornimada la helay ilaa maanta talada dalka waxaa gacante sare ku laahaa reer Koonfureed marka la eego dhinaca awooda fulinta, sida jagada madaxweynaha amba raysal-wasaaraha marka laga reebo wakhtigii koobnaa ee Ina Cigaal iyo Ali Khaliif. Dawladan u dambaysay ee rajada laga qabay lafteedu waxay martay wadadaa qaloocan ee marnaba ay ka muuqan wax Waqooyigu ku soo dabco. Shiki kuma jiro in arrintaa si fiican u uga hadlay Professor Axmad I. Samatar markuu lahaa: “…Weli lagama hayo Koonfur fikirad bisil, talo bisil iyo dadaal cusub oo soo celiya qaranimada…

Dhinaca Waqooyiga laftiisu ma dhiilo yara. Maamulka Waqooyigu samaystay siyaasada hagtaa waa mid ka fog sidii ay u dhaqmi lahaayeen dad cadaalad daro awgeed gooni-isu-taag ugu dhawaaqay. Maamulkaas  waxaa ka muuqda sawir foolxun oo muujinaaya in taladii gacanta uugu jirto reer qudha. Taasina aqli maahee waa wixii laga cabanaayay oo kii cabanaayay laftiisu ku dhaqmaayo. Halkii wixii horey dalka u soo maray cid walba cashar ugu noqon lahaayeen, inta layska garab maray ayaa lala yimid ceebta ceebteedii, taasina waxay marag ka tahay qaangaadh la’aanta reer Waqooyiga. Ilaahay ha u naxariistee, Maxamad Xaaji Ibrahim Cigaal ayaa mar uu reer Somaliland la hadlaayay yidhi: “ Shalay Xamar waxa ina geeyay jibbo, maantana tan (Somaliland) waxaan ku samaynay waa jibbo, laakiin aqli ayaa loo bahan yahay”. Hadalkaas Cigaal ayaad moodaa inuu soo murtiyaynaayo siyaasada Somaliland oo loo bahan yahay inay aqliyaysato oo intaan Koonfur lala hadalba ay dhexdeeda ishagaajiso soona bandhigto siyaasad cadaalad ah si ay u yeeshaan karaamad ay Koonfur kula gorgortami karaan oo ka duwan afkaar jibbo ku salaysan.

Professor Axmad I. Samatar oo ah aqoonyahn siyaasi xisbiga Hiil Qaran ka mid ah ayaa arrintaa lafteeda si fiican u dhigay dhowr jeer oo uu qodobkaa ka hadlay. Professorku wuxuu ku taliyay intaan Somaliland wax wadahadal ah la samayn Koonfur, waxaa lafteeda looga bahan yahay inay  “is-xalaalayso isna hagaajiso”. Dulucda hadalka aqoonyahan Samatar ayaa ah in la helo Somaliland oo mid ah oo miiska soo dhigta siyaasad dadku iska wada dhex arkaan, dabadeedna Somaliland oo mid ihi la garanto Koonfur. Taladaas haboon oo lagu kabi karo hadalka aan ka soo xigayna Cigaal, waxaad moodaa inayna weli garan siyaasiinta waqooyigu.

Federaal-ka

Mashaakilka kale ee halista galin kara Somalia, waxa weeyi arrinta federaalka ee la damacsan yahay in dalka lagu dhaqo. Burburkii iyo xukunkii kalitaliska ahaa wuxuu keenay in soomalidu kala shikido oo ninkastaa ka cabsoodo dawlad dhexe oo xoog leh oo lays leeyahay waxay noqon kartaa tii Siyaad Barre oo kale. Nidaamkaa dawlad dhexe oo Xamar uun ka jirtaa sideedaba ma soo noqon karto laakiin xalku maaha in si taas layskaga ilaaliyo in la qaato nidaam aan dhaqan loo lahayn, soomalina sii kala tuuri kara.

Federaal waa nidaam ay fahmi karaan qoomiyado xadaarad leh oo marka horeba fahansan dawladnimadu waxay tahay. Waa nidaam sida qaalibka ah ku haboon qoomiyado faraqyo badan u dhexeeyaan. Waa nidaam aan Afrikaanku sideedaba ku dhaqmi karayn waayo ninka madow weli mudnaanta xeerka maqaam sare ma gaadhsiin. Soomali oo weli ka dhex guuxayso qabyaalad fool xun oo gaadhsiisay inay muwaadiniinteedii qaarkood loo aqoonsado dad badh ah oo xukunka sare soo gali Karin, sidee bay iskugu maamuli kartaa nidaam u baahn dad u bisil cadaalada iyo mudnaanta xeerka oo biri magaydo u noqda. Aqli maaha in reer walba gobol amba laba gobol dawlad ka samaysto. Haddii laga tagi waayo federal, aqligu toosani wuxuu amrayaa in taariikhda la raaco daacadna loo ahaado oo labadii gobol ee Somalia dhalay ay noqdaan federal. Waqooyi iyo Koonfur ayaa ku haboon inay ku bahoobaan dawlad federal ah, inkastoo ay ka sii haboonaan lahayd dawlad dhexe oo kaliya balse aas-aasta nidaam lagu baahinaayo xukunka dawlada ( Regional decentralisation).

Gabagabo

Si xal loogu helo dhibaatooyinka taagan loogana tabaabushaysto kuwa soo socda waa lagama maarmaan in lagu dhaqmo siyaasad run jecel siduu sheegay Professor Samatar mar u dhawaan ka hadlaayay magalada Mineapolis shir soomalidu iskugu timid. Haddii runta laga duulaayo hadalka Professor Samatar waa mid Koonfur iyo Waqooyiba ugu yeedhay inay xaqiiqada u soo noqdaan kuna dhaqmaan siyaasad u hiilinaysa qaranka Somaliyeed oo ka fog difaaca dano gaar ah. Waqooyigu amaba Somaliland oo u jeeda isbadalada socda indhaha kama qabsan karto waajibaadka saaran oo ay ugu horayso inay dhexdeeda is nadiifiso intaan Koonfur wax lala wadaagin, waana tan qudha ee ay ku sixi karto khaladkii lixdankii ay gashay. Koonfurtuna isma-diidsiin karto gafka siyaasadeed ee ay ku sii socoto oo ah inay kalidood awooda fulinta yeeshaan, Waqooyina ula dhaqmaan gobol la siman gobolada koonfureed. Geestaad eegtaba siyaasad run jecel ayaa maqan, waana boogta Qaranka.

Wadhaf Editorial