Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xukuumadda Oo Lix bilood gudahood ku baabi’inaysa Dhulka la ootay ee aan wax soo saarka lahayn

Hargeysa(Xeegonews.com) – Xukuumadda Somaliland iyada oo ka duulaysa dhibaatada uu dhulka la Ootay ku hayo Deegaanka iyo Xoolaha waxa ay soo saartay go’aan ay wax kaga qabanayso arrintaas muddo lix bilood gudahood ah.Qorshahaaasi uu uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo saxeexay fulintiisu waxa uu u dhignaa sidan “Waa in la baabi’iyaa dhamaan Xidhmooyinka dhulka ee aan wax soo saarka lahayn muddo lix bilood gudahood ah, arrintaana waxaa u xil saran Wasaaradaha Deegaanka, Beeraha, Xanaanada Xoolaha, Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Qorshaynta.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.Sida ku cad hadalka Madaxweynaha oo ah mid ay Xukuumaddiisu qorshaysay sanadkan waxa uu faray Wasaaradaha kor ku xusan oo ay khusayso arrintani inay mudadaas ku fuliyaan si Xoolaha iyo Deegaankuba u badbaado maadaama xiligan lagu jiro Cimilada Addunkana ay wax weyn iska bedeshay loo baahan yahay in dib loo qaabeeyo Deegaanka.Sidoo kale Horumarinta Deegaanka waxa aya Xukuumaddu sanadkan u qoondaysay khrash ka badan kii kal hore inkasta oo aanu baahida jirta wada daboolayn sida uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Samaale ka qiray fadhigii Golaha Wakiiladda ee uu ku sharaxayay Miisaaniyadda 2013-ka ee la Ansixiyay.